Akhri Maansada HAYAAN DHICISOOBAY Oo Muujinaysa Sida Loogu Hungoobay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Maansadani waxaan curiyay maalin khamiisa waa 20/11/2014 waxaanay ka hadlaysaa dhinacyo.
badan ku waasi oo taabanaya duruufaha iyo waayahay siyaasadeed ee ka jira wadankan  Soomaaliland waxaanan diirada ku saaray sida ay umada reer soomaliland ugu hanweynayd xisbiga talada dalka haya ee kulmiye markii uu olalaha ku jiray doorashadii 2010kii iyo sida ay
maanta uga wada niyad jabeen xisbigii kulmiye.
Maansadani waxay sidoo kale talooyin u jeedinaysaa madaxweyne siilaanyo waxaanad ka  dhexdhugan kartaan tuducyada maansadan
Baryan heenso maan sudhine
lahaaWaanse lahelayn
Mar aan hawo la sheekaystay
Waxa yimid hortaydaa
Talo lagu hungoobay iyo
Umad wada halaabaysa
Horjoog waxa looga dhigay
Nimaan halaha daaqgaynin
Halyay hayska sheegtee
Hadana waa tabtii hore
Hadaad howsha sare eegto
Runta lama habsaanshee
Kulmiyaan xilkaa hanankarayn
Halyayadii dalkuu hoos uridi
Kor kici haanka kumahayn
Sahra halgan hooyadii dalka
Ninkaan hanad moodno
Hooyadeed u hilowday
Calankaan hadhsanayno
Ninkaan han wadaagno
Haweenkiyo ubadkeena
Taariikh uu ku hungoobo
Raggaa huwan shaadka
Miyaad na hilmaamtay
Markaad na horjoogtay
Miyaad iska hilmaamtay
Geedkaad u hadhaysay
Heeryaduu iska ridaayo
Howshaa wadankeena
Hadaantuu kadhacaaye
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com