“Waxanu soo jeedinaynaa ninka Jooga Garoonka ee Wasiirka ah in nalaga soo beddelo oo nalaga kexeeyo oo haddii uu kamid yahay ragga aan dhicina dadka loo sheego”Boqor Raabi.
Hargeysa:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Boqor Yuusuf Cabdilaahi Raabi oo kamid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa ka Hadlay dhibaatooyin ka taagan dhulka Masalaha ee Konfurta Hargeysa, waxana uu Madaxweynaha ugu baaqay inuu Xilka ka qaado Wasiirka Duulista Hawada oo uu sheegay inuu shacabka dhib badan ku hayo.
Boqor Raabi, ayaa sidoo kale ku dheeraaday, kana digay in dhulkaas oo dhawaan Madaxweynuhu ku sheegay dan guud, taas oo uu shaki ka muujiyey,
“Dhulkaas waxa uu madaxweynuhu ku sheegay dan Guud, waana la seestay, waxana aanu arrintaas ku aaminaynaa kaliya marka seeskaas la baabi’iyo, dhulkaana dadbaa laga raray umaddii degenaydna sida loo waxyeeleeyey waad ogtihiin, dantii guud ee hore umaddu u lahaydna meel ay mareen garan mayno.” Ayuu yidhi Boqor Raabi.
Boqorku waxa uu soo jeediyey in la beddelo oo meesha laga saaro wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka oo ku sheegay shakhsi meesha la jooga Faan iyo tookh, waxana uu yidhi,
“Waxanu soo jeedinaynaa ninka Jooga Garoonka ee Wasiirka ah in nalaga soo beddelo oo nalaga kexeeyo oo haddii uu kamid yahay ragga aan dhicina dadka loo sheego, ninkaana waxanu leenahay ka yeeli mayno faanka iyo waxa uu akhriyayo.”
Boqor Yuusuf Cabdilaahi Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka Hadlay Muddo-korhdin loo sameeyo madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in madaxweyne siilaanyo Oofiyo Ballantiisii hore ee ahayd inuu doorashada xilligeedii ku qaban doono, taas beddelkeedana La sameeyo Dawlad wadaag ah, waxana uu yidhi,
“Madaxweynuhu waa kii ku baaqay inaanu maalin ku darayn doorashadana uu qabanayo, waanu ka sugaynaa dalku isbeddel buu u baahan yahay, madaxweynahana waxanu leenahay wixii aad ballan qaadday rumee, waliba waxanu doonaynaa inaan waxba lagu darin, haddii wax lagu darayana waa in dawlad wadaag ah la sameeyaa, ka yeellimayno cid kale’e.”
SDN/QJ
somalidiasporanews.com