Nuxurka Qolaal Madaxtooyadu Muuse Biixi Ku Dirqiday Oo Jawaab u ah Khudbaddii Cirro Ee Maanta
Hargeysa:Feb,19,2015(SDN/QJ)-Aqalka Madaxtooyada, ayaa maanta Hoggaanka Kulmiye ugu yeedhay inuu kasoo qaybgalo Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiislaha ahaa, waxana Halkaas Guddoomiyaha loogu soo bandhigay inuu soo saaro qoraal jawaab unoqon kara Khudbad maanta uu jeediyey Guddoomiye Cirro oo salka ku haysay Muddo-dhaafka kusoo socda Doorashooyinkii dalka ka qorshaysnaa.
Shirkaas ayaa lagu lafoguray sidii indhaha shacabka looga duwi lahaa Eedda Doorashooyinka oo haatan madaxtooyada Dul hoganaysa, waxana Eeddaas la isku dhaafiyey dhinaca Komishanka doorashooyinka qaranka oo la sheegay inay masuuliyadda dibu dhaca leeyihiin.
Kulanka Kooxda Madaxtooyada Awoodda ku leh iyo Guddoomiye Muuse Dhex maray, ayaa laga soo saaray Qoraal ka kooban dhawr Qoddob, kaas oo nuxurkiisu yahay inay xukuumaddu dalka sii xukumi doonto, xataa haddii ay doorasho dhici weydo.
Qoraalka oo markii dambe laga dhigay mid Kulmiye soo saaray, isla-markaana uu ku saxeexnaa Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa u dhignaa sidatan:
“Waxa inoo farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka.
Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.
Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inno leh. Laba kamida tiirarkaasi waa:-
1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha
2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii
Hadaba xisbiga iyo xukuumadu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.
1. Dhamaystir sharci
2. Magacaabida GDQ
3. Dhaqaale
Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.
Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.
Mawqifka kulmiye
1. In komishanku leeyahay awooda wakhtiga doorashada la qabanayo
2. In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo
3. Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah.
maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga
Hadiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.
Xisbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.
waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray .
Muj. Muuse Biixi Cabdi
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
SDN/QJ