Xukuumada oo Dejinaysa Siyaasada Warbaahinta ay Maamusho Iyo Suxufiyiin Ruug Cadaa ah oo Talo ka Dhiibtay DAAWO
Hargaysa 19.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed daahir Cukuse ayaa xafiiskiisa Magaalada Hargaysa kulan ugu qabtay Suxufiyiinta waayo aragga ah ee Somaliland iyo Agaasimayaasha Waaxyaha wasaaradiisa, waxana uu ka dalbaday inay suxufiyiinta waayo aragga ahi ka qayb qaataan sidii Guud ahaan Warbaahinta Somaliland looga dhigi lahaa mid ka turjunta rabitaanka shacabka iyadoo laga duulayo dastuurka Qaranka JSL u yaalla.
Waxa uu Wasiir C.laahi Cukuse Sheegay in Ujeedada uu Kulankan u soo agaasimay ay la xidhiidho Sidii loo samayn lahaa Siyaasada Warbaahinta Dawlada .