|

Heesaa Dalka Jarmalka Aad Looga Jeclaa Oo Ku Biiray Kooxda Daacish

Mosul:Feb,18,2015(SDN/QJ)-Denis Suspert oo ah Fannaan caan ka ahaa Dalka Jarmalka, isla-markaana si weyn loo jeclaa, ayaa Kooxda Daacish shaaciyeen inuu kamid noqday oo ku biiray.

seeroKooxda Daacish waxa ay Boggooda Twitter-ka soo dhigeen Sawirrada Fannaankaas oo ay sheegeeen inuu la midoobay, isla-markaana ka barbar dagaallamaya.

Qoraal ay halkaasi kusoo daabaceen ayey ku sheegen in Fanaankaasi uu si rasmi ah ugu biiray Daacish.

Denis Cuspert oo 39 sano jir ah, ayaa hore dalka Jarmalka looga diiwaangeliyay in uu yahay nin budhcad ah, taariikhdiisuna ma muujineyso in wax diin ah uu ku shaqo leeyahay.

Fanaanka, ayaa laba sano ka hor la baxay magaca ah Abuu Dalxa Al-Almani, markii uu si rasmi ah uu u shaaciyay inuu qaatay Diinta Islaamka.

Mareykanka, ayaa saddex toddobaad ka hor ninkaasi ku daray liiska argagaxisada, iyadoo Mareykanku uu ninkaasi ku tilmaamay mid khatar ah.

Shan boqol oo ruux oo u dhashay dalka Jarmalka, ayaa ka barbar dagaalamaaya Ururka Daacish, oo ka dhisan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Jarmalka, ayaa ka walwalsan in ninkaasi uu Daacish u fududeeyo inay ku biiraan dad hor leh oo dalkaasi u dhashay, isagoo adeegsanaaya saamaynta uu ku lee yahay fanka.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed