|

Berbera: Faanka Beenta, Foorrarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha, Fuudka Musuqa Iyo Fooridda Dabaysha

Berbera 18.Feb 2015 (SDN/QJ)- Berbera waa muraayaddii dalka. Hadba wejiga ay leedahay, waa wejiga Somaliland leedahay. Nin baa laga hayaa, “Berbera waxay u eg tahay hadba ninka jooga”. Sii qalis, saafid iyo abla ablayn kale uma sii baahna fahamka halku dhegaasi.

BERBERAHay,adihii caddaalada ee Magaaladda Berbera soo xusnay dhibaatooyinka u gaarka ah ee haysta. Biyaha magaaladda iyo duruufaha wax ka qabashada u baahan soo taataabanay. Waxyaabaha shacbi ahaan iyo dawlad ahaanba la qabtay soo aragnay, sida jidadka, Madaarka, qaybo Dekedda ka mid ah iyo meelo kale. Dhaliishuna waxay wax tartaa marka wax laga qabto, ee cidda talada haysaa toosiso halka farta loogu fiiqo.

Haatan waxaynu halkaa ka  sii amba qaadaynaa  falanqaynta qormadan inoo socotay. Berbera waa isha ugu wayn dhakhligu ka soo galo dalka. Waxa ku yaala dekedda keliya ee dalku leeyahay. Waxa ku yaala haamaha kaydka shidaalka. Waxa ku yaala kastamka ugu wayn dalka.

Dawladda hoose ee deegaanku way ka taajirsan tahay kuwa  deegaano badan oo kale oo dalka ah, lama awoodi kari waayin, in Jeelka la dhiso oo laga dhigo mid u qalma nolosha dadka ku xidhan. In Maxkamadaha loo dhiso hoy ay ku gudan karaan hawshooda. In Cusbatalka laga dhigo mid kaafiyi kara bukaanka oo qofka la geeyaa, aanuu u baahan in Hargeysa loola cararo.

Inaad luqluqato, waxa ka fiican inaad cadayato, Somaliland nolol ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxa lagu tilmaamaa mid hulumbe aafeeyay. Hore iyo haddaba musuqu waa xanuun daran oo naanays xun ku ah casriyaynta nidaamka dawliga ah iyo hanashada xaqsoor loo siman yahay.

Maanta dunnida qiimaha shidaalku wuxuu marayaa halkii ugu hoosaysay, isla markaana barmiilkii wuxuu marayaa waxaan ka badnayn 50 doollar, laakiin Somaliland waxay u muuqataa mid aan ka  mid ahayn dunidda, marka loo eego qiimaha ay ka marayso foostada shidaalka ahi.            La soco………………..

Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed