|

Tacsi ku socota ehelka iyo qaraabada Marxuum Maxamuud Cabdi Sheekh Haruun ( Xabashi )

Inaa li laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Illaahay Naxariistii Janno Ha Ka Waraabiyo Marxuum Maxamuud Cabdi Sheekh Haruun ( Xabashi ) oo Maanta 16/02/2015  Gacan Ka Gardran ay Ku Dishay Magaalada Moqdish. Magaca Reer Xaaji Ciise Aniga oo Ku Hadlaaya, Waxan Tacsidan u Diraynaa Ilma Maxamuud Cabdi Sh. Haruun, Ilma Cabdi Sh. Haruun, Reer Sh. Maxamuud Sh. Haruun, Reer Sh. Musa Sh. Haruun, Ehelka, Qaraabada iyo Beesha uu Marxuumka Ka Baxay.
 
Taariikh Nololeedkii Marxuumka oo Kooban:
Marxuumka Sidan Qoyska uu Ka soo Jeedo aan Fac ilaa Fac ugu Abtirinaayo, Waa Facii Shanaad ee ku Dhashay Kuna Barbaaray, Culuum Al Quraan Wa Diin ku Bartay Xaruntii Xaafadii iyo Masjidkii Hargeysa loogu hor Dhiso ee Jamecowco Weyn. Gurigaa iyo Hoygaa Barashada Cilmigu Yaalay ayuu Marxuumku Ku Soo Koray.Sannadkii 1950 kii ayuu Ku Dhashay Magaalada Dirir Dhabe . Halka 1955 kii  uu Reerku u Soo guuray Hargeysa. Sannadkii 61 kii ayuu Chance u yeeshay in uu ka mid noqdo Class Kowaad ee lagu Furo Dugsiga Hoose ee Qudhac Dheer. Raggii Maalinta Dugsiga ay wada bilaabeen Waxa ka mid ahaa Maxamed Cabdalla Xasan ( Dhega-Weyne ), Maxamed Axmed Hudleh ( Listen ), Maxamed Yuusuf Diirqadhaadh. 1967 kii waxa uu dhamaystay Dugsigii Dhexe ee Axmed Gurey. Isla Sannadkaa ayuu u Wareegay Dalka Ethiopia Magaalada Addis Ababa oo u ku soo Qaatay Waxbarashadii Dugsiga Sare. Horaantii 71 kii ayuu Dalka ku soo laabtay, Isla uu Shaqo ka bilaabay Civil Aviation kii Somalia  Madaarkii cMogdisho. Waxa uu laba jeer oo kala Danbeeyey uu Waxbarasho Air Traffic Cotroller uu Banaanka u Baxay. Marxuumku Waxa uu 81 kii uu ka Qalin Jabiyey kuliyaddii Sidam Mogdisho. Marxuumka Waxa Astaan u ahayd Xalaal iyo Xoogi Maal, Ubadkiisa ku Korsan Jiray,  44 Sanno Wuxu ahaa Madaxdii Hagidda Madaarka Mogd.
Waxan In Illaahay Ka Baryayaa inuu Marxuumka Samir iyo Iimaan inaga Siiyo, Isagana Jannadii ka Waraabiyo.
Inaa li laahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuu,
Caaqil Abdirahman Hassan Haji Adan
Ludvika    Sweden  

Comments are closed