|

Ethiopia Oo Xuska Maalinta Ciidankeeda Ku Qabatay Gudaha Somalia

Baydhabo:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Dalka Ethiopia ka jooga Somalia ee katirsan Ciidamada AMISOM, ayaa shalay magaalada Baydhabo ku qabsaday xuska Aasaaska maalinta ciidankooda qaranka oo sidoo kale Gudaha dalkooda laga xusayey.

iishCiidanka Difaaca Qaranka Ethiopia ayaa la aasaasay sanadkii 1991 markii ay TPLF xukunka ka tuurtay Mengistu Xayle maryam.

Waxaa ka qeybgalay Xaflada Saraakiil sar sare oo ka yimid Magaalada Adis ababa, si ay Khudbado guubaabin ah halkaasi uga jeediyaan.

Sidoo kale, waxaa marti ku ahaa Xubno ka kala socday DF, wakiilo ka socday ciidamada kale ee AMISOM iyo kuwa Maamulka Seddexda gobol.

Waxa ay soo bandhigeen gaada-ka-ciyaar, waxaana ay halkaasi salaan ku siiyeen Saraakiishii ugu sareysay iyo kuwii martida u ahaa.

Dhanka kale, Ethiopia ayaa waxaa Baydhabo ka jooga inkabadan 700 oo ciidamo ah kuwaasi oo qaab nabad ilaalin u jooga halkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed