|

Xil Wareejin ka dhacday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka

Muqdisho Feb 16,20159SDN/QJ)-Wasiirkii  hore ee Wasaaradaha Waxbarashada Mudane Ciise Maxamed Axmed  Guraase iyo Wasiirkii hore ee Wasaarada Tacliinta Sare Mudane Ducaale
Aadan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Drs Khadar Bashiir Cali oo loo soo  magacaabay xilkaas, waxayna Xafladu ka dhacday Xarunta Wasaarada  Tacliinta Sare waxaana ka soo qeyb galay Hanti dhooraha Qaranka Mudane  Nuur Faarax Jimcaale iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka sidoo kale  waxaa kasoo qayb galeen Madaxda Wasaarada Shaqaalaha hoose iyo marti  sharaf kale.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Maxamed Cabdul Qaadir Nuur, waxa uuna sheegay in  dhamaan shaqaalaha Wasaarada ay soo dhaweynayaan Wasiirka Cusub  islamarkaana ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan isagoo xusan in  Wasiirada Cusub Dr Khadar Bashiir Cali ay horayba uga mid aheyd  Wasaaradda axbarashada oo ay markale Wasaaradu soo dhaweyneyso  Wasiirka Cusub.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Mudane Ciise Axmed Guraase ayaa sheegay  in ay wax ka qabteen xagga manaahijta Waxbarashada dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan  Maxamed ayaa sheegay inay gacan ka geysteen sare u qaadidda tacliinta  sare ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa sheegay inay  sii amba qaadi doonto howlihii ay horey u qabteen Wasiiradii,waxaana  madaxda kale ka codsaday inay garab ku siiyaan howlaha horyaalla.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed