|

Muxuu Xasan Sheekh Ka Yidhi Kursi-Jacayl Hore Taariikhda Ugu Galay Madaxweyne Siilaanyo Oo Haatan Xilligiisii La Taagan Yahay?

Hargeysa:Feb,16,2015(Himilo)-Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo haatan ah Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa ka Hadlay xiiso xagga Kursiga ah oo Madaxweyne Siilaanyo hore caan ugu ahaa, kaas oo lagu arkay xilliyadii Halganka lagu jirey, isagoo si weyn uga Horyimi in la sameeyo wax muddo-kordhin ah.

xasan guureMujaahidka oo u warramay Qaarka mid ah Saxaafadda Dalka, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu horeba caan ugu ahaa inuu isku dhejiyo kursiga xilliga Mudadadu ka dhamaato,

“madaxweynaha waxaan ku aqaanay kursi jacayl oo wakhtigii jabhadaba dhawr jeer ayuu korodhsaday, markii danbena dirqi ayaan kaga kaxaynay iyo tu xun oo hadaan walba odayaashii beeshiisu aanay noo bixin oo aanay joog odhan nagamuu tageen oo SNM inta laysku dilo ayay burburi lahayd, oo guddoomiyayaashii ka horeeyay mid biluu hayay oo waa Axmed Jimcaale, Sheekh Yuusufna waxa uu hayay sanad,Cabdiqaadir Koosaarna in aanu sanadku u dhamaan ayaan u malaynayaa, Siilaanyo laba sano ayaa la doortay deedna intuu dad uun u yeedhyeedhay ayuu Awaare shir lagu qabtay uu sanad ku darsaday, waligiiba waa uu yaqaanay Siilaanyo lugooyada oo waxuu odhan jiray waan daalay ee kaalay meesha qabo oo barigaaba Ibraahin Maygaag AHN ayuu ku yidhi meeshii waan ka tagayaaye kaalay isaga oo Maraykan jooga oo iska ladan sida uu maantaba Muuse Biixi ugu yidhaahdo.Axmed Siilaanyo maalinta ay 26-ka Juun ay gaadho aniga kursiga igama xigo iyo cid kale oo reer Somaliland ah toona.” Ayuu yidhi Muj. Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure waxa uu tilmaamay in Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanku muddo-dhaafeen, isla-markaana la doonayo in iyaga qudhooda looga Baahan yahay in arrintooda Hoos loo eego.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed