“Muddo-kordhintan waxad mooddaa inay Dawladdu iska caashaqsan tahay, iyadaana wadwaddee cidkalee oo wadwaddaa ma jirto. Shacabkuna wuu ku wareeray” Xildh. Obsiiye
Hargeysa:Feb,16,2015(SDN/QJ)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Guurtida, ayaa ka Hadlay Muddo-kordhin la filayo in loo samayn doono xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo lagu sababaynayo inaanay dhamaystirnayn shuruudihiii doorasho lagu qaban lahaa.
Mudane Obsiiye oo u warramayey qaar kamid ah warbaahinta Dalka, ayaa sheegay in muddo-kordhintaasi tahay mid xukuumaddu si iskeed ah iskaga jeclaatay, isla-markaana aanay haboonayn maadaama madaxweynuhu yahay nin musharrax ah,
“Muddo-kordhintan waxad moodda inay Dawladdu iska caashaqsan tahay, iyadaana wadwaddee cidkalee oo wadwaddaa ma jirto. Shacabkuna wuu ku wareeray, Bisha May ka horna lamaba kordhin karo, su’aasha meesha taallaana waa musharrax buu madaxweynuhu doonayaaye, ma muddo-kordhin buu doonayaa,” ayuu yidhi Mudane Obsiiye.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata faraqa u dhexeeya muddo-kordhintii hore loogu samayn jirey Madaxweyne Daahir Rayaale oo musharax ahaa iyo midda haatan Siilaanyo codsanayo, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaan xaaladda Maanta ee Dalku ogolayn in la sameeyo muddor-kordhin, waxana uu yidhi,
“Wakhtigii Daahir Rayaale iyo Wakhtigan waa kala laba, xilligii Daahir Dhibaatooyin badan baa jirtey oo hareeraha colaad baa inagaga jirtey, innaga siyaasadeenu dhawr goor baa qalaanqal soo galay, maantase wax waliba waa deggen yihiin, sida distoorku dhigayana duruuf uunbay korodhsiimadu ku timaadaa, waa in dagaal, abaaro ama duufaano jiraan, laakiin xarrafo ku kordhi waxan u arkaa inaanay macquul ahay, maantana dawladdu wixii muraad ah ee ay doontaa waa wada diyaar.”
Axmed Muuse Obsiiye ayaa sidoo kale ka Hadlay Shaqaaqada ka taagan Balliga Diiriye Guuleed, waxana uu tilmaamay in Beesha Deegaanka Balli-gubadle ay iska leedahay Halkaas, isla-markaana loo baahan yahay in lagu ixtiraamo oo loo hoggaansamo Go’aamadii Guurtidu hore uga soo saareen.
SDN/QJ