|

sixid maqaalkii cali coomey ee taariikhda wargaysyada ka soo bixi jirey somaliland

SIXID qoraalkii ahaa (Sooyaalka Wargaysyadii Ka Soo Bixi Jiray Somaliland 1949-kii ilaa 2015-ka. Aasaaskoodii iyo Tifaftirayaashoodii )

Waxaa dhawaan soo baxay qoraal uu qorey Cali cabdi coomey qoraalkan oo qoraagu kaga hadlayay taariikhda wargaysyadii ka soo bixi jirey Somaliland tan iyo waqtigii gumaysiga.

Waxa igu kalifay maqalkan inaan qoro kadib markii aan arkay in coomey uu ka tagay isla maarkaasna si badheedh ah uu u baal maray taariikh ma guurto ah oo ay lahaayeen Wargaysyadii ka soo bixi jirey Somaliland.

Waxaa uu qoraa Coomey had iyo jeer soo bandhigaa taariikh aanu sida saxda ah uga run sheegin sida qoraaladiisii ugu danbeeyay ee Agaasimayaashii Radio Hargaysa,Mayaradii Hargaysa iyo waliba wargaysyadii dalka ka soo bixi jirey tan iyo waqtigii xoriyada.

Qoraa cali ayaa qoraaladiisa markiiba laga dhex arkayaa inuu dano gaar ahaaneed ka leeyahay ee aanay ahayn Taariikh sax.

Hadba waxaan qoraalkan ku eegaynaa sixid aan ku samaynayno qoraalkii cali ee wargaysyadii dalka ka soo bixi jirey.

Hadaba markii aan akhriyay maqaalkan ayaa waxaa iiga soo baxay in qoraagu uu ka tagay isla markaasna uu meesha ka saarey wargaysyo Muhiim ah isla markaasna taariikh wayn kulahaa dalka wargaysayadaas oo kuwa ka mid ahi ay dhawaanahan danbe ka soo bixi jireen caasimada Somaliland Ee hargaysa.

Waxaa laga akhriyay taariikhada uu coomey qorey inay tahay mid dhan ka raran oo aan si cadaalad ah uga turjumaynin waragaysyadii ka soo bixi jirey Somaliland tan iyo xiligii gobonimo doonka.

Waxaa marag madoonta ahayd inuu ka tagay cali wargayso caan ah oo dhawaanahan danbe soo bixi jirey iyo kuwo horeba sida jornalki daalka oo uu soo sari jiray garyaqan Yuusuf dhuuxul.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in marka uu qofku wax qoraayo uu ka afeef dhigto wixii aqoon daro ama jahli uu kaga suganyahay ee aanu markaasi taaariikhdeeda haynin.Hadaba qoraalka coomey afeef iyo araar midna ma lahayn waxaana ka dhex muuqday inuu xusay cid uu dano gaar ahaaneed ka lahaa.

Waxay soomalidu ku maahmaahdaa hadalkaaga hortiina afeefbaa la dhigtaa aqalkaa hortiina oodbaa la dhigtaa.

Qoraalkan maaha mid aan ku duraayo coomey balse waa mid aan rabo inaan soo bandhigo wargaysyada uu ka tagay ama uu sida siyaasadaysan u majara habaabiyay.

Waxaan doonayaa inaan u iftiimiyo bulshada inay jireen wargaysyo magac iyo maamuusba ku lahaa bulshada dhexdeeda oo ay soo saari jireen aqoonyahano iyo suxufiyiin heer qaran ah kuwo hadda nool iyo kuwa dhinteyba.

Waxaa la yidhi taariikhdu ma gabawdo mana duugawda cidkasta oo isku dayda inay qalin kumajara habaabisana kuma guulaysan doonto.

Waxaa ka mid ahaa wargaysyada uu coomey ka tagay Wargayska HUBAAL oo ay maamul iyo tafatire ka yihiin Keefkeef iyo calooley

Wargaysa Bulsho

Wargayska Ileys

Waxaa soo saari jirey boobe yuusuf ducaale iyo Xasan Maxamed Yuusuf

Wargayska IFTIN

Wargayska Hargaysa Star

Waxa uu soo bixi jirey sanadihii 2008-2010-kii oo uu soo saari jirey

aqoonyahan Maxamed Xaaji cabdiraxmaan gadhyare iyo Xasan Maxamed Yuusuf

Wargayska xogogaal

Waxaa uu ka soo bixi jirey gobolka togdheer waxaa soo saari jirey Maxamed Cabdi ismaan,Cumar Cabdi Axmed Waxaa madaxa wararka ka haa Yuusuf Ibraahim

warsame

Wargayska waaga cusub

Wargayska Maalmaha

Wargayska Dalka

oo soo bixi jirey sanadihii 1994-kii ilaa 1997-kiii oo qori jirey aqoonyahan

Caraale AHN iyo xakiim Ismaaciil

Qalinkii Ismail Qabile

lasoco qaybta danbe…………………..

Comments are closed