|

“Waa Nin Adduunka Kaga Dawarsada Al-shabaab Isaga ayaa Ka Tirsan U Dulqaadan Mayno Maalin Walba Puntland.” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland

Hargaysa 16.Feb 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa si kuluul uga jawaabay eedo kaga yimi maamul-goboleedka Somalia ee Puntland, isla markaana wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan aad uga xun yihiin hadalka ka soo yeedhay maamulkaas.

warancadeSidaa wuxuu ka sheegay Waraysi uu Xalay siiyey Idaacadda BBC-da waxaanuu yidhi,“Runtii aad iyo aad ayaanu uga xunahay ninkaas sheeganaaya masuulka, isagoo dhawr jeer Somaliland ku xidhiidhinaaya inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Al-shabaab, kaasna waxaanu u aragnaa nin shaqadiisii ka soo bixiwayey. Waxaanu u arragnaa nin dadkiisa iyo dalkiisa dhibaatada taala iyo dhiiga maalin walba Puntland ka daadanaaya doonaaya marka uu hawshisii fulin kariwaayey inuu kula gashgasho ummaddo kale, laakiin anagu u dulqaadan mayno maalin danbe.”

Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi.“Anagu dal la yaqaano ayaanu nahay oo waa la og yahay dalkayaga, laakiin Wasiirkaasi ajanabiga ayuu wax kaga doon-doonaa. Waa Nin Adduunka Kaga Dawarsada Al-shabaab Isaga ayaa Ka Tirsan.”

Hargaysa SDN/QJ

Comments are closed