|

Nin Somaliyeed oo Mas’uul ka ahaa Dhimashada 336 Tahriibayaal ah oo Talyaanigu ku Xukumay 30 Sannoo Xadhig ah

Pallermo:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Muwaadin Soomaaliyeed ayaa Maxkamad ku taalla Dalka Talyaanigu waxa ay ku xukuntay Xadhig Soddon ah, kadib markii lagu helay Dambiyo hore loogu haystay.

hamb-300x177Muwaadinkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cilmi Muxudiin, waxan muddo gacanta ku hayey Ciidamada Talyaaniga oo ninkan ku haystay dambiyo ka dhan ah Nolol Bani’aadam.

Ninkan, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka masuul ahaa dhimashada 336 qof oo tahriibayaal ah, oo la socday dooni ku degtay Jazeerada Lampedusa, xilli doonidaasi ka soo shiraacatay xeebaha dalka Libya.

Maxamuud Cilmi Muxudiin oo 34 sano jir ah, ayaa waxaa sidoo kale lagu helay in uu ku kacay galmo ka dhan ah dumarkii la socday doonida ku degtay xeebaha dalka Talyaaniga.

Xoogaga Booliska ee Lampedusa, ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaasi, xilli uu isku dhex qarinaayay tahriiba-yaashii ka badbaaday shilkaasi, waxayna Boolisku horkeeneen sharciga, si cadaaladda loo waafajiyo.

Booliska Talyaaniga, ayaa xabsiga u taxaabay ninkaasi 8-dii bishii November ee sanadkii 2013-k. Xilli doonidu ay quustay 3-dii bishi October.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kooxda La dagaalanka Budhcad Badeeda ee Palermo, Geri Ferrara, ayaa sheegay inay Maxkamaddu ka codsadeen in xukun adag lagu rido ninkaasi, isla-markaana ay Maxkamaddu aqbashay in lagu qaado xukun xabsiyadeed oo dheer. Si ay dersi ugu noqoto kuwa kale ee wadadaasi ku taagan.

Boqolaalka ruux ee ku dhintay doonida quustay, ayaa waxay intoodu badan ka soo kala jeedeen dalalka Somaliya iyo Dalal kale oo Afrikaan ahaa.

 

Comments are closed