Mujaahid Cali Guray oo Warqad Furan Markii u Horaysay u Diray Madaxweyne Siilaanyo iyo arimaha ay Koobsatay
Hargaysa 15.Feb 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mudane Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa Markii 1aad Waxa uu Warqad furan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo .
Nuxurka Warqadan furan ayuu Cali Guray Madaxweynaha ugu soo jeediyay Sidii uu doorasho Xor iyo Xalaal ah dalka uga qaban lahaa Waxaa kale oo uu Madaxweynaha Xasuusiyay Soo martooyin Taariikheed oo dalka la soo gudboonaday Xiliyo kala gedisan kuwaas oo Madaxweynuhuna qaarkood u soo Joogay.
Ujeedo: Doorasho Waa Xal Doorasho La’aanina Waa Xal La’aan
Mudane Madaxwayne; marka hore salaamu calaykum,
Marka xiga xilka aad qaranka u hayso waxaa laguu dhaariyay 27kii bishii July 2010kii sidaa daraadeed mudadii xilka laguu igmaday waxa ka hadhsan wakhti bilo ah. Sida sharcigu yahay adiguna aad marar badan ku celcelisay, hadii ay doorashadu xiligeedii ku qabsoonto 26/6/2015 oo taasi ay suurtogal noqon karayso waxba may xumaadeen keliya waxa loo baahan lahaa inay si nabadgelyo ah oo xor iyo xalaal ah u qabsoonto ciddi ku guulaysata ee Ilaahay u qorayna loo hibeeyo laguna hambalyeeyo sidii dhacday 2010kii markii adiga laftaadu aad ku guulaysatay doorashada.
Waxa xusid mudan sidii milgaha iyo maamuuska badnayd ee madaxwaynihii kaa horeeyay oo isagu ahaa madaxwaynihii ka soo gudbiyay Somaliland habkii Shir Beeleedka ee u soo gudbiyay nadaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi uu daacadda uga ahaa doorashada natiijadii ka soo baxdayna ugu qancay iyo weliba sidii sharafta iyo gobonimada lahayd ee xilka uu adiga kuugu wareejiyay.
Mudane Madaxwayne, waxa ka mid ahaa balan qaadyadaadii xiligii ololaha doorashada ee aad u ordaysay xilka aad maanta hayso in ” HADII AAD KU GUULAYSTO DOORASHADA OO MADAXWAYNE LAGUU DOORTO AY DOORASHOOYINKU KU QABSOOMI DOONAAN XILIYADOODA OO WAX MUDDO KORDHIN LA YIDHAA AANAY DHICI DOONIN”, Hadana, nasiib darro isla sanadkii kuugu horeeyay ayay ahayd muddo kordhinta Wakiilada ee maanta ku dhaw shanta sanadood markii ay bilaabantay iyada oo welina lagaaga fadhiyo ama ay kaaga fadhiyaan in ay sii socoto, ilaa goorma?, ilaa iyo weligeed hadii ay helayaan wakiiladu waayo waxay ku sababeeyaan “Golaha Guurtiduba saw kuwa iska fadhiya maxaa dhacaya hadii anaguna aanu iska fadhino?” Kuwa sidaa u fakaraya waxa ugu badan kuwa iyagu leh waxanu nahay tirada badan ee golaha oo waxa aanu taageersan nahay kana tarjumaynaa siyaasadiisa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalland iyo xisbigiisa iyo xukuumadiisa. Laga yaabaa in adiga laftaadu aad kuwaa u taqaano xildhibaano wanaagsan oo adiga kula jira daacadna kuu ah maadaama ay isku dhex milmeen xukuumadaada gaar ahaan kooxda madaxtooyada iyo wasiirada idman ee adiga kuugu dhaw dhaw. Laakiin anigu sidaa ku lama qabo ee waxan u arkaa in xildhibaanada goluhu aanay muxaafid iyo mucaarid kala ahayn marka arinku yahay dan ay wada leeyihiin. Adiga waxay kula jiraan keliya marka ay awr kooda kugu kacsanayaan ee hadii aan magacaagu dantoodu higaadinayn agtaada kamay soo wareegeen
Mudane Madaxwayne, waxaynu xusuusanahay golihii kan ka horeeyay iyo carqaladihii is daba jooga ahaa ee marba ay u dhigayeen doorashada wakiilada ilaa ugu dambaystii Xeerka Doorashada Wakiilada oo ahaa xeerkii iyaga khusaynyay ay ku dareen qodobo ay uga gol lahayeen in aan haba yaraato eh wax doorasho Baarlaman ihi dalka ka dhicin. Waxa ka mid ahaa qodobadaasi in ay doorashadu dalka oo dhan ka mar ka wada qabsoonto iyo in diiwaangelin lagu galo doorashada. Waxay ku guulaysteen in labada aqal ee baarlamanka mid waliba ku ansixiyo cod laba meelood ah taas oo Madaxwaynaha ku qasbaysay in aanu dib ugu soo celin karin ee sida sharcigu farayay digreeto ku dhaqan geliyo Xeerka. Hadii ay sidaa u dhici lahayna waxaynu ognahay in ilaa iyo maanta aanay hal doorasho suuro gasheen maadaama aan dalka oo dhan laga qaban karayn ilaa maantadan.
Dahir Rayaale, madaxwaynihii adiga kaa horeeyay markuu arkay shaxda ay degeen wakiiladu inay jare oodan tahay oy afar iyo irmaan oodan dhigteen wuxu ku qabsamay inuu laba daran mid doorto, tii uu doortayna waynu ognahay. Go’aankii Maxkamada Sare ay ku daadifaysay qodobadii ahaa laaxinka wuxu ahaa mid ka duulayay danta qaranka iyo rabitaanka shacbiga ee diiwaangelinta iyo in ay doorashadu ka qabsoonto dalka oo dhan midna muu ahayn qayru dastuuri ama wax ka hor imanayay Dastuurka Somaliland sidii ay ku sababaysay Maxkamada Sare go’aankii ay ku laashay ilaa todoba qodob oo diiwaangelintu ka mid ahayd. Hadana go’aanka Maxkamada Golaha Wakiilada cid diiday may jirin waayo waxay ogaayeen in maxkamadu ay go’aankeeda u cuskatay danta qaranka iyo rabitaanka shacbiga ee aanay jirin cid gaar ah oo ay kaga hiilinaysay iyo cid gaar ah oy ugu hiilinaysay. Waxa runtii xusid mudan in go’aankii uu qaatay Madaxwayne Rayaale uu ahaa mid adag balse taariikhi ah oo si ay doorashadu u qabsoonto uu kaga talo goostay intii isaga ugu dhawayd ee xildhibaano iyo wasiiro xukuumadiisa ka tirsanaaba lahayd. Waxa kale oo xusid mudan in golahii wakhtigaasi uu ahaa kii lagu naanaysi jiray “Abu Dhaameelka” oo kuligiiba muxaafid ahaa marka laga reebo shakhsiyaad faro ku tiris ah.
Mudane Madaxwayne, marka aynu ka nimaadno xiligii Rayaale waxa ka sii daran ta maanta joogta adiga oo Madaxwayne ah waayo waxa isa sudhan laba doorasho oo aynu in xildhibaanada Aqalka Wakiiladu ay ka dambeeyeen in la isku xidho qabashada labada doorasho ee Madaxtooyada iyo wakiilada taas oy ku sababeeyeen in loo baahan yahay in aan sanad walba doorasho uun loogu jirin, balse runtu ahayd tii ay xagaaga ka heleen oo ahayd muddo kordhin markii labaad ahayd oo sedex sanadood oo kale wax ku dhaw ahayd. Damaca xildhibaanada Golaha Wakiiladu intaas uun kumuu ekayn ee waxa u dheeraa in aan doorasho madaxtooyada lafteedu qabsoomin 26 June 2015 si ay qasab u noqoto muddo kordhin loo sameeyo Madaxwaynaha iyaguna mar kale hadana u sii cimri dherersadaan ilayn labada doorasho sidii ay isugu xidheen ayay isugu xidhan yihiine. Shirqoolka ka dhanka ah nadaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinku wakiiladu keli kuma aha ee waxa u dhan oo hormood ka ah kooxda madaxtooyada oo ah inta adiga kuugu dhaw hadii ay wasiiro yihiin, xildhibaano yihiin iyo hadii ay shakhsiyaad kale oo inta adiga kuugu dhaw yihiinba.
Mudane Madaxwayne waxa kuligeedba nasiib darro ah in kooxdan dalku u af duuban yahay ay si toos ah ugu takri filaysay awoodahaaga qalinkaaguna uu mar walba iyaga hiilkooda ahaa. Qorashaha kooxdu wuxu ahaa in labadan doorasho dib loogu riixo doorashada Golayaasha Degaanka oo ku aadan dhamaadka sanadka 2017 hadii kale ay noqoto muddo laba sanadood ah. Khudbad sanadeedkii aad kal hore ka jeedisay labada aqal ee baarlamanka kooxda adiga kugu xeeran oo wasiiro iyo xildhibaanoba leh waxay aad uga cadhoodeen markii aad sida cad u sheegtay in marka muddo xileedkaagu dhamaado aanad maalin ku darsanayn. Iyaga oon qarsanayn waxa markiiba ka soo yeedhay oy meel kasta isla taageen” WAYDIN ARKI WAX KA JIRAA MA JIRO HADALKIISA DOORASHO QABSOOMAYSA WAKHTIGEEDA KU QABSOOMAYSAANA MA JIRTO EE LABA SANADOOD AMA SEDEX SANADOOD OO QASAB AH BAA LOO KORDHINAYAA. MA CAQLIBAA SAWTII RAYAALE OO GADABUURSI AHBA LABA SANADOOD LOO KORDHYAY, ISAGA UGU YARAAN SEDEX WAA IN LOO KORDHIYO”.
Mudane Madaxwayne, kooxdan aad ku sii wada deysay dalka oo dhami marka ay bilaabeen shirqoolada ka dhanka ah inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto waxay ahayd ka dib khudbad sanadeed kaagii 2014. Ugu dambaystiina way ku guulaysteen in carqaladihii is daba jooga ahaa ee Kaabista iyo Wax ka bedelka Xeer Lam.37 ay ku lumiyaan wakhti dheer. Xeerka oo muddo laba sanadood ah ay gacanta ku hayeen Komishanka Doorashooyinka iyo sedexda xisbi qaran heshiis cadana ay ka wada gaadheen qabyo qoraalkii Komishanku kuu soo gudbiyay wuxu ahaa mid dhamays tirnaa oo la isugu wada tegay dhamays tirkiisa oo ay ka wada qayb qaateen Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyada Qaranka, Akadamiga Nabadda, iyo Bulshada Rayidkuba. Hadii aad doonayso in aad runta ogaato bal isu eeg nuqulka komishanku adiga kuu soo gudbiyay iyo waxa lagaa saxeexay ee aad u gudbisay wakiilada. Weliba waxa fiican in aad la eegto heshiiskii dhex maray Komishanka, xisbiyada, iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo qoraaladii khuseeyay heshiiska ee dhex maray adiga iyo qaadhaan bixiyayaashii aad u xaqiijisay in heshiiskan aad waafaqsan tahay kana codsatay inay inaga caawiyaan kharashka ku baxaya Diiwaangelinta Madaniga Ah, kaas oy kaa aqbaleen kuna deeqeen wax ka badan toban ilyan oo doolar
Mudane Madaxwayne, hadii aad doonayso in aad ogaato sababta ay doorashadu wakhtigeedii ugu qabsoomi wayday iyo cidda ka masuulka ah cid dhex ah, daacad ah, aqoonna leh hadii aad adeegsato runta way kuu soo cadayn kartaa, balse ama rumayso ama ha rumaysan eh hadii inta adiga kuugu dhawi aanay fashilinin waxa hubaal ahayd inay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomi karaysay.
Kooxda dalku u af duuban yahay oo ah inta adiga kugu xeeran ayaa adigana wacadkii aad qaaday inu beenoobo sabab u ahaa doorashadu inay wakhtigeedii ku qabsoontona fashiliyay.
Mudane Madaxwayne Kooxda madaxtooyada ee dalku u af duuban yahay awoodahaaga ay si walba ugu takri falaan waxa ka daran in ay sedexdii haya’dood ee dhismaha dawladdu ka koobmayay oo sharci ahaan ay ahayd inay kala madax banaanaadaan ayay sedexdiiba gacantooda oo keliya isugu geysteen si aan la xisaabtan iyo ku dhaqan sharci iyo haya’do shaqeeyaa u jirin ee wax walba iyagu ay noqdaan, taas oo dawlad xumo wayn ah oon meel kelya ka soo gelin waxa loo yaqaan dawlad wanaaga. Tusaale wax ah maanta garsooraha maxkamad fadhiya ee gar qaadaa hadii uu xukun cadaalada ah rido bustihiisu waa dibadda,waydhacday waanay dhacdaa. Sidaa daraadeed Garsooruhu wuxu shaqadiisa ku xejisan karaa in dacwadda ay kooxdu danaynayaa go’aankiisu sida tilfoonka loogu sheego
Tusaale kale waxa ah in xildhibaano ay dadku soo doorteen oo sidaada xasaanad leh habeen madow iyaga oon wax dembi ah faraha kula jirin guryahooda laga soo qafaasho oo marka intii la doono jeelka lagu haysto iyaga oon maxkamad la hor geyn, wax dembi ahna loo hayn adiga laftaada digreeto sharci darro ah oo burinaysa kana hor imanaysa dastuurka lagaa saxeexo si fudud uun loo yidhaa;
” CAFIS MADAXWAYNE AYAA LAGU SII DAAYAY”.iyadoo aan la is waydiin horta maxaa loo xidhay,,yaa xidhay, dembigana yaa leh.?. Way dhacday waanay dhacdaa tan iyo tu ka daraniba mar kasta
MAXAA XAL AH?
Mudane Madaxwayne, shakhsiyaadka faro ku tirska ah ee awooda aan xadka lahayn aad gacanta u gelisay ee mar waalba sax iyo qalad isku hubaa saxeexaagau ma aqbli karaan in ay wax doorasho ihi dalka ka qabsoont waayo dantooda ayaanay ka dhex arkayn.. Sida xaaladda dalku ay manta tahay hadii la diido inay doorashadu qabsoonto oo taladu gacanta dadka dib ugu noqonto dabcan khilaafka siyaasaddu waxa iman doonta inu cirka isku sii shareero oo talo faro ka haado ilaa ay gaadho in albaabkii xalka doorashadu is xidho halka la isugu tagaana ay noqoto doorasho la’aanta oo xal la’aan keliya uun ah saamayna ku yeelan kara ammniga iyo xasiloonida dalka.
Hadii xaalku sidan sii ahaado doorashadiina xiligeedii ku qabsoomi waydo, kooxdiina tii uun tahay, xukuumadduna tan uun tahay, wakiiladu halkoodii uun yihiin, Saleebaan iyo guurtiduna qalinkii muddo kordhinta la diyaar yihiin waxa hubaal ah inay adkaan doonto sida ay dalka uga qabsoomi karto, xataa hadii Komishanku muddo dambe cayimo. Goor kastaba ha dhacdo eh hadiiba ay dhacdo ma noqon doonto mid xor iyo xalaal ah oo si nabadgelyo ah u qabsoonta sidii doorashooyinkii xiligiiMadaxwaynihii hore, Dahir Rayaal Kahin balse waxa suurtogal ah inay noqon karto mid ka sii liidata dorashadii keli ahayd ee dalka ka qabsoontay Mudane Madaxwayne aad adigu xilka haysay ee Golayaasha Degaanka oo loo yaqaan doorashadii dhiiga.
Mudane Madaxwayne, marka ay cadahay inta adiga kugu xeeran ee wasiiro iyo xildhibaano. Iyo shakhsiyaad kale oo aanan jeclayn in aan carabka ku dhufto oo adiga kuugu dhawi ay dalka iyo adigaba dhibta ugu wayn ku yihiin doorasho dalka ka qabsoonta aanay rabin kana dagaalama yaan . Ee la xusuusan yahay doorashadii Golayaasha Degaanka iyo wixii dhacay iyo weliba kooxda madaxtooyadu kaalintii ay ku lahayd dhibtii dhacday waxan kuu soo jeedinayaa talooyinkan:
Kolka ugu horeysa waxan kugula talinayaa in aad ka talo goosto gacan bir ahna ku qabato inta adiga kugu xeeran ee aan wax ay ku yeeleen mooyee wax ay ku tareen jirin , ama ay wax yeeladoodu ka badan tahay waxtar kooda hadii ay kaa go’antay in aad qaranka badbaadiso doorasho xor iyo xalaal ahina ay ka qabsoomi karto marka ugu horeysa ee suurtogal ah
Inta ka horeysa 26 June in aad dhisto xukuumad cusub oo lagu wada kalsoonaan karo inay dalka gaadhsiin karto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo aanay ku jirin shakhsiyaadka caanka ah ee kooxda doorash diidka ah ee adiga magacaaga ku shaqaysata awoodahaagana ku takri fasha. Xukuumadda cusubi waa inay noqotaa xukuumad farsamo oo lagu soo xulay aqoon, karti, iyo daacadnimo
In aad gebi haanba kala dirto Golaha Wakiilada sababahan awgood,
o Ma jiro sharci iyagana u ogolaanya inay tobon sanadood iyo ka badan iska fadhiyaan Madaxwaynahana u diidaya in uu kala diri karo wakhti ay muddo dhaaf yihiin shan sanadood oo aanay xaq u lahayn inay sii joogaan
o Si aanay doorasho u qabsoomin waxay ragaaiyeen shuruucdii muhiimka ahayd ee doorashooyinka ilaa hadda oy toban sanadood wax ku dhaw joogeen ilaa manta xeerkii iyaga lagu dooran lahaa umay dhaqaaqin oo waa qabyo. Intii kale xeerar ahayd way burburiyeen wakhti dheer oon loo baahnayna way ku lumiyeen. Kii ugu dambeeyay ee Diiwaangelinta Madaniga ah wixii ay sameeyeen waynu ogayn ilaa hadda ayaa lixinkii ay geliyeen hadaan dib loo sixin aanay suurtogal ahayn in diiwangelin lagu qaban karo
o Hadii ay sii fadhiyaan oo iyaga laga sugo oo loo daba fadhiisto qabyo tirka lagma yaabo in doorasho ku qabsoonto xataa taariikhda dambe ee Komishanku cayimo. Wixii ka qabyo ah xeeraka ama xeerarka ee ka dhiman sidii caadadu ahayd waxa lagu dhamays tiri karaa xeer nadaamiye “Code of Conduct” ay komishanka iyo sedexda xisbi isla ogolaadaan
In marka mudo xileediisu dhamaado Madaxwaynaha iyo ku xigeenku xilka sii hayaan inta laga gaadhayo doorashada taariikhda Komishanku cayimo si dalka looga badbaadiyo inu ku dhaco meel madhan( Vacuum )
In mudada u dhaxaysa dhamaadka muddo xileedka Madaxwaynaha ilaa taariikhda doorashada uu Golaha Guurtidu xalaaleeyo iyada oo qayb ka ah heshiis talo qaran oo ku wajahan suurtogelinta doorashada ee aanay noqon muddo kordhin Golaha Guurtidu iskii isaga kordhiyay iyada oo aanay jirin duruufaha ku xusun Qodobka 83 ee Dastuurku
Hadii la isla qaato qodobada sare Komishanka Dooashooyinka, sdexda Xisbi Qaran, iyo xukuumad lagu kalsoonaan karo oo madaxwaynuhu ku soo dhisay wada tashi qaran oo loo wada dhan yahay, intaas oo gacmaha is qabsatay ilaahayna talo saaratay waxay suurtogelin karaan in si nabadgelyo ah ay dalka uga qabsoomi karto doorasho xor iyo xalaal ihi
Ugu dambaystii waxan ilaahay ka baryayaa inu xaqa xaqa ahaan inoo tusiyo raacis tiisana inagu hanuuniyo. Baadilkana baadil baadil ahaan inoo tusiyo ka dheeraansho hiisana inagu hanuuniyo.
AMIIN
Cali Maxmed Yussuf(Caligurey)