|

Ciidanka Booliska oo duleedka Hargaysa Habeenkii Xalay ku Dilay Dareewal Gaadhi

Hargeys 14.Feb 2015 (SDN/QJ)- Ciidanka Booliska Hargeysa ayaa xaley Dil Toogasho ku diley nin watey Baabuurta Xamuulka qaada.dilkan ayaa ka dhacay kaantaroolka Koonfureed ee magaalada Hargeysa Hargeysa gaar ahaana jidka looga baxo Balligubadle .

Marxuumkan Geeriyoodaya ayaa lagu magacaabi jirey marxuum Rashiid Saleebaan Aw-Axmed,Marxuum kan ayaa markii la dilay watey Gaadhi Nooca xaamuulka qaada oo isagu uu lahaa,waxayna xogguhu tibaxayaan in markii uu kantaroolka soo istaageyba laba Askari xagiisa ku dhaqaaqeen,tooshna ku ifiyeen balse isla amintiiba mid ka mid ah labadaa Askari Rasaas ku furay halkaasna ku dilay.

Inkastoo aanay jirin wax warara oo ka soo baxay dhinaca Ciidanka booliiska Somaliland waxaa haddana wararka la hayaa sheegayaan in Askarigii dilka gaystey baxsaday halka Askarigii la socday ka wax dilayna la xidhay.

Askarigan wax dilay ayaa la sheegay ilaa hadda inaaney muuqan wax dhaqdhaqaaqa ama xarkaada oo muujinaya ama ku foogan soo qabashadiis ,ama dabagalkiisa halka maydkii marxuumka la dilayna saaka la soo qaadey oo Qolka Meydka Cusbitaalka Guud ee hargeysa oo uu hada yaalo.

 

Comments are closed