|

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Xaaladiisa Caafimaad ee uu U Joogo Dalka Jarmalka

Munich:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraaddiyadda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Markii ugu horraysay Xaaladdiisa Caafimaadka ee Haatan xilli uu arrintaas u joogo Dalka Jarmalka.

xasan shiikhWareysi uu siiyay Madaxweynaha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo ku sugan dalka Jarmalka ayuu sheegay in saddexdii sano ee uu xilka hayay aanu fursad u helin inuu baadhitaan caafimaad uu sameeyo, haatanna xaalkiisa caafimaad fiican yahay,

“Jarmalka waxaa u imid baadhitaan caafimaad, saddexdii sano ee aan Madaxweynaha ahaa fursad uma helin inaan baadhitaan caafimaad isku sameeyo, dhowaan dalka ayaa ku noqonayaa waa soo gaba gabeynayaa, marka da’da oo kale la gaadhana waa daruuri in baadhitaan caafimaad la sameeyo”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka, ayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay inay is arkeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Angela Markel oo haatan safar ku maqan.

Mar wax la weydiiyay Madaxweynaha arrimaha musuq maasuqa ayuu sheegay in dowladdiisa ay la dagaalami doonto musuq maasuqa, cidii lagu helana sharciga la marsiin doono, waxaa uu xusay in aanay jirin cid sharciga ka sareysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii arbacadii ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa markii u dambeysay ee meel fagaare ah lagu arko ay aheyd munaasabadii casho sharafta ee uu Ra’iisul Wasaaraha u sameeyay Xildhibaanada.

 

Himilo Media

 

Comments are closed