Maraykanku Muxuu Ka Yidhi Joojinta Lacagihii Soomaalida Loo Diri Jirey?
Washington:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Hakin lagu sameeyey Lacagihii Dadka soomalida ahi kasoo diri jireen Dalkaas oo dhawaan la joojiyey.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka Mss. Jen Psaki oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay aad uga welwelsan yihiin joojinta lacagihii Soomaaliya loo dirayay.
“Walaac weyn ayay nagu heysaa joojinta lacagaha loo diri jiray Soomaalida ku dhibaateysan dalka gudihiisa” ayay tidhi Mss. Psaki oo sheegtay inay arrintaasi kala hadlayaan madaxda jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka iyo Bankiyada joojiyay lacagaha.
Haweeneydan ayaa waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka bilaabeyso dadaallo dib loogu fasaxayo Soomaalida dalkaasi ku nool inay eheladooda u dirsadaan lacagaha biilka ah oo ay ku nool yihiin malaayiin qoys oo dalka gudihiisa ku sugan.
Dhinaca kala hadalka Dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ay ka hadashay QM saameynta ka dhalan karta joojinta lacagaha loo diro Soomaalida oo ay ku tiirsan yihiin nolosha malaayiin qoys.
Dad badan oo lacago looga soo diri jirey Gudaha Dalka Maraykanka, ayaa haatan lacagahaas waayey, waxana ay u dheg taagayaan sida ay Tallaabada tan xigta ee Maraykanku qaadi doono.
SDN/QJ