|

Akhri Tirada Soomaalida Ku Biirtay Ururka ISIS Oo La Shaaciyey

Washington:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Xawaaraha ay ku socdaan Ururka Daacish, ayaa waxa Majaraha u haya Dhallinyaro intooda badani kasoo jeedaan Dalalka Yurub iyo Maraykanka oo si joogto ah ugu soo biiraya, waxana kamid ah Soomaali ka timi  Isla maraykanka oo haatan tiradooda la shaaciyey.

joognWarbixin uu Shalay Daabacay Wargayska The Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, isla-markaana uu sheegay inuu kasoo xogtay Sirdoonka Maraykanka, ayaa uu ku faahfaahiyey Tirada Soomaalida ah ee sida rasmiga ah ugu biirtay Kooxda Daacish.

Warbixinta wargayskan lagu qoray ayaa sheegaysa in qiyaastii 15 muwaadin oo Soomaali ah oo kasoo tagay Minnesota oo kaliya inay hadda ku sugan yihiin magaalooyin ku yaala dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyagoo ka bar bar safan dagaalamayaasha kooxda Daacish.

Dadka illaa hadda la aqoonsaday waxaa ka mid ah muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Max’ed oo ka mid ahaa Soomaalida Minnesota waxaana mar ay waraysatay Idaacadd Maraykanka ku taala uu sheegay inuu ka mid ahaa kooxdii qabsatay magaalooyinka Muusil iyo Tikrit oo dalka Ciraaq ku yaala sanadkii hore.

C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda la yidhaahdo Minnesota Public Radio waxaa uu sheegay inuu aaminsanyahay inuu u dagaalamayo Alle dartiis sida uu sheegay.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka waxaa ay sheegeen inay hadda hayaan tirokoobka Soomaalida Minnesota ka tagtay kaliya hase ahaatee ay jiraan Soomaali haysata dhalashada Maraykanka oo Dacish u dagaalama.

Sidoo kale Soomaali kale oo aan tiro yarayn oo iyana kasoo tagay wadamo kale oo Ingiriisku ka mid yahay ayaa u dagaalama kooxda Daacish oo ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.

Hay’adda fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ay habeen ka hor soo saartay waxay ku sheegtay in kooxda Daacish ay ku biireen danadkii lasoo dhaafay in ka badan 20,000 oo dagaalame.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed