Madaxweyne Erdogan Oo Dhiggiisa Maraykanka Ku Canaantay Wax-ka-qabsho La’aanta Qoys Muslim ahaa Oo La Xasuuqay
Ankara:Feb,14,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajeb Tayep Erdogan, ayaa si kulul dhiggiisa Maraykanka ugu canaantay Xasuuq dhawaan Dalkaas loogu geystay Qoys muslimiin ahaa oo aanu sideedii uga Hadlin.
Erdogan oo uu garab-taagnaa madaxweynaha Mexico, Enrique Peña Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa xusay in aamusnaanta Barack H. Obama, ku xigeenkiisa, Joe Biden iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, John Kerry ay muujinayso halka ay ka taagan yihiin ficillada caynkan oo kale ah.
“Haddii aad ka aamustaan ficillada noocan oo aanay bayaan kasoo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa;” ayuu yidhi Erdogan oo dilkan ku tilmaamay mid dunida oo dhan ay ka argagaxsaday.
Saddexda ruux ee dhallinyarada ah oo ahaa qoys ayaa waxaa gobolka North Calorina dilka loogu geystay ayaa lagu kala magacaabi jiray; Deah Shaddy Barakat xaaskiisii, Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Max’ed Abu-Salha.
Booliska gobolka North Carolina ayaa dilkan u xidhay, Craig Stephen Hicks oo 46-sano jir ah, wuxuuna cadho badan ka abuuray dilkan dadka muslimiinta ah; gaar ahaan kuwa isticmaala shabakadaha isku xidha bulshada iyagoo ku tilmaamay mid loo geystay dad aan waxba galabsan; Maraykankuna uu ka aamusay.
Turkiga ayaa ka mid ah gaashaanbruurta NATO, iyadoo cadhada uu muujiyay madaxweynaha dalkaas ay muujinayso in astaantan sida uu isbahaysigan ugu saaran yahay qarka inuu noqdo mid kala fikir duwan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com