Magacyada 2-Sarkaal Oo Kenya Madaxooda Duldhigtay Malaayiin Lacag ah Dhuumasho Ku Maqan , Laguna Xidhiidhyey Al-shabaab
Nairobi:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Kenya, ayaa raacda ugu jirta Laba Sarkaal oo katirsan Kooxda Al-shabaab, kuwaas dhuumasho ku maqan, sida lagu sheegay qoraal Sirdoonka Dalkaasi soo saaray.
Magacyada labadan Nin ayaa kala ah Maxamed Dulyadeyn iyo Axmed Iimaan oo labaduba ah saraakiil sar sare oo ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.
Qoraalka ayaa waxa uu si toos ah uga soo baxay taliska booliska dalka Kenya waxaana lagu sheegay in 5 milyan oo shilinka Kenya ah la siin doono ruuxii soo sheega Maxamed Dulyadeyn oo kasoo jeeda deegaanka Gaarisa iyo Axmed Iimaanoo kasoo jeeda xaafada Majeno ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in labadani sargaal ay ku eedeysan yihiin fulinta falal dil ah oo Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Kenya.
SDN/QJ