|

Wariyayaal Al-Jazira Kaga Xidhnaa Dalka Masar Oo 411-maalmood Kadib Dammaanad Lagu Sii Daayey

Caira:Feb,13,2015(SDN/QJ)-Laba Wariye oo u shaqayn jirey Tv-ga Al-jazira oo ku xidhnaa Gudaha Dalka Masar, ayaa maxkamadi Dammaanad kusii daysay.

peroLabadan Wariye oo magacayadoodu kala ahaayeen Baher Mohamed iyo Mohamed Fahmy, ayey Hore maxkamadi xukun ugu ridday, waxana Xadhigoodu keenay Colaad dheer oo dhexmarta Tv-ga Al-jazira iyo Dawladda Haatan Gacanta ku Haysa Dalkaas oo si xoog ah Xukunkii uga Tuurtay Madaxweynihii La Doortay ee Maxamed Mursi.

Maxkamada sare ee dalka Masar ayaa hore u baabi’isay xukunka saxafiyiinta iyadoo amartay in dib loo qaado dacwada kadib markii lagu eedeeyay saxafiyiinta in ay taageerayeen ururka Akhwanul Muslimiin.

“Damaanada waa talaabo wanaagsan oo hore loogu qaaday waxayna tan u oggolaanaysaa in saxafiyiintan oo xabsi ku jirey 411 maalmood inay dib ula midoobaan qoysaskooda,”ayuu yihi afhayeenka Aljazeera.

Xaakimka dacwadan qaadayay Hassan Farid ayaa amray in markale la dhagaysto dacwada 23ka February.

Saxafigii 3-aad ee ay hore dowlada Masar xabsiga dhigtay Peter Greste oo la sii daayay haatana ku sugan dalkiisa Australia ayaa isagana dacwadiisa dib loo dhagaysan doonaa. Greste ayaa lagu sii daayay amar ka soo baxay madaxweynaha Masar kadib markii uu xabsi ku jirey 400 oo maalmood.

Peter Greste ayaa soo dhoweeyay damaanada lagu siiyay asxaabtiisa xabsiga ay iskula jireen waxaa uu rajo ka muujiyay inay maxkamada ay si toos ah u deyn doonto dhamaadka sanadkan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed