Haweenaydii 1aad ee Qori Qaadata kuna Biirta Kooxda Suldaan Wabar iyo Fariin ay dirtay DAAWO
Boorame 13 Feb 2015 (SDN/QJ)-Xiisada dagaal iyo kacdoonka ka taagan Gobolka Awdal ayaa marba marka ka danbaysa sii Xoogaysanaya, sidoo kalana waxaa Bulshada deegaankaasi ay ku howlan yihiin dhismaha ciidamo xoogan oo dhamaan la wareega deegaanada Awdal
state.
Gabadhan oo Magaceeda ku Sheegtay Hibo Faarax Buux ayaa Tilmaantay Sababta Ku Kaliftay inay Qori qaadato Waxayna sheegtay inay ka soo baxday Jaamacad isla markaana aanay qaban wax shaqo ah iyadoo xustay in dhallinyaradii u dhalatay Gobolka awdal in badan oo ka mid ah markii ay ka rajo dhigeen nolosha ay Tahriib ka door bideen nolosha gobolkooda waxaanay ku guubaabisay haweenka iyo dhallinyarada reer Awdal inay Taageeraan halgankooda isla markaana ay Kaymaha u soo baxaan si ay u difaacaan dalkooda.