Berbera: Faanka Beenta, Foorarka Runta, Fiirrada Nolosha, Ficilka Tukaha Iyo Fooridda Dabaysha.Falanqaynta Ogaal
“Meeshu waa Berbera, saw fadeexad maaha in qolkaa yar ee burbursani u yahay Maxkamad”
“Malaha musuq maasuqa xukuumaddu waxay u taqaanaa wax qabad”
“Madaxweynuhu marna muu tegin Maxkamadda Berbera. Wuxuu tagaa Haamaha Shidaalka iyo meelaha heensiga leh…”
Maxkamadaha iyo Jeelashu waa tiirarka garsoorka iyo caddaalada. Intaan la odhan caddaalad darraa jirta, waxa ka horaysa siduu u eg yahay gurriga caddaaladu?. Waa sidee hoyga dhaqan(jeelka) celinta maxbuusku?.
Waxay garsoorayaashu fadhiyaan qol yar. Hadba kii dacwad gelaya ayaa loo baneeyaa, inta kalena banaankay ku sugtaa. Waa dhisme yar oo gaboobay, dumaya, daaqaduhu jajaban yihiin, kuraasta hoos taalaa burbursan yihiin, oo mid kastaaba meel wax ka qabo, isla markaana siliga ku dahaadhan durba dhinac soo laalaado. Dad hoos fadhiya dhismaha caynkaas ahi shaqo ahaan, way u diyaarsanaayeen fulinta hawlaha garsoor ee ay hayaan. Laakiin ma hayaan hoygii iyo farsamo ahaan qalabkii ay ku shaqayn lahaayeen. Goobta caynkaas ahi waa Maxkamada Gobolka Saaxil iyo Maxkamadda Rafcaanka. Waxa halkaa booqday guddiga caddaalada ee golaha Wakiiladda dhawaan. Siday Wargeyska Ogaal ugu sheegeen magaaladda Berbera, waxay la kulmeen cadaalad, gudoomiye maxkamadeed ilaa garsoore qol yar oo qalab jajabani hoos yaalo wada fadhiya, u muraad quminaya hadba kii dacwad galaya.
“waxay noo sheegeen, anaguna indhahayaga waanu ku araganay, idinkuna Ogaal ahaan waad aragteen. Tabaale badan ayaa haysta Maxkamadaha Berbera, dhisme la,aan baa haysta, qalab xafiis ma haystaan, hoollal dacwadeed ma laha, qolkaa yar ayay wax walba ku qabtaan”. Sidaa waxa yidhi xildhibaan ka mid xubnaha guddiga cadaalada ee golaha Wakiiladda ee booqday Berbera.
Dhulka maxkamaddu waa dhul wayn, qayb waxa ka haysta maamulka gobolka oo ay xarun u tahay. Ma cadda sababta maamulka gobolku u degi waayay meel kale. Qaybo dhismayaal yaryar oo gaboobay ah oo ay maxkamadu lahaydna waxa degan dad shacbi ah, oo qoysas dhawr iyo toban gaadhaya ah. kuwaasoo ay ka mid yihiin nadiifiyayaasha xayndaabka maxkamadda, taasina waa caqabad kale. “Tani waa Berbera, waa muraayadii wadanka, waa ishii dhaqaalaha, saw fadeexad maaha in qolkaa yar ee burbursani u yahay Maxkamad. Meeday Maxkamaddii Sare?, meeday Wasaaaradii caddaaladu?. Madaxweynuhu marar badan ayuu tegay Berbera, marna muu tegin Maxkamadda. Wuxuu tagaa Haamaha Shidaalka iyo meelaha kale eeheensiga leh . Malaha musuq maasuqa xukuumaddu waxay u taqaanaa wax qabad”, sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah xildhibaanada wakiiladda ee kormeerka ku tegay Berbera.
Dhinaca gaadiidka, sadexda maxkamadood ee Gobolka Saaxil ee kala ah, Maxakamada Gobolka,Rafcaanka iyo Degmada Berbera,waxa ka dhexeeya hal gaadhi, siday Ogaal u sheegeen guddigu. Kiisaska ugu badan ee xilliga xaggaaga ka dhaca magaaladda Berbera, waxay u badan yihiin kufsi. Taana waxa sababa sida la sheegay, kulaylaha waqtigaa oo dadka ku kelifa, in banaanka la seexdo, haqab la,aan koranto oo jirta darteed. Dacwadaha shidaalada iyo maraakiibta ayaa iyana ka mid ah noocyada kiisaska gala maxkamadaha gobolkaa.
Marka midabkii Maxkamaddu sidaa yahay, waa sidee Jeelka Berbera ee la geeyo maxaabiista ay xukumaan Maxkamaduhu?. La soco……
Xigasho Wargayska Ogaal