|

Badiba Safaaradihii Reer Galbeedku Ku Lahaayeen Dalka Yemen Oo Albaabada Loo Laabay

Sanca:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Badiba waxa Albaabada loo laabay Safaaradihii Dalalka Reer Galbeedku   ku lahaayeen Caasimadda Dalka Yemen ee Sanca, kadib markii ay Xoogagga Xuutiyiintu Xoog kula wareegeen Awooddii Dalkaas.

sencoXaalada siyaasadeed ee dalka Yemen ayaa aheyd mid aan deganeyn, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, iyadoo xoogaga shiicada Xuutiyiinta ay awood soo saareen Caasimada Sanca, halkaasoo dagaalo dhowr bil socday kadib ay xarumaha muhiimka kula wareegeen.

Safaaradaha Britain iyo Faransiiska ee magaalada Sanca ayaa si rasmi ah loo xidhay, maalmo kadib markii uu Mareykanku ku dhawaaqay inuu xidhay Safaaradiisa Yemen.

War si wada jir ah uga soo baxay Safaaradahan ayaa lagu sheegay in sababta loo xidhay ay aheyd, kadib markii uu sii xumaaday ammaanka dalka Yemen.

Britain ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaheeda ay kala baxday dalka Yemen.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegtay in shaqaalihii safaaradda Maraykanka ee Sanca laga saaray magaalada.

Muwaadiniinta dalalka Faransiiska, Britain iyo Mareykanka ayaa looga digay in aanay u safrin dalka Yemen, waxaana loogu baaqay in kuwa jooga inay si deg deg ah uga soo baxaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed