|

Tahriibayaal Lagu Qiyaasay 200-Qof Oo Badweynta Meditarenian-ka Ku Geeriyooday

Lampedusa:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Sida ay Baahisay  inkabadan 200-qof oo muhaajiriin ah, ayaa ku geeriyooday Badweynta Mideterinan-ka, kuwaas oo doonayey inay Gudaha u galaan Qaaradda Yurub.

wadaarQaramada Midoobay ayaa wareysatay dadkii ka soo badbaaday oo ay soo qaadeen ilaalada xeebaha Taylaaniga iyagoo biyaha dulsabeynaya.

Waxay sheegeen in tiro badan oo muhaajiriin ah oo saarnaa doon yar ay qaaday badda kadib markii ay ka soo safreen Libiya. Bishii November Talyaaniga joojiyeen howlgal sanad ahaa oo lagu badbaadinayay muhaajiriinta badda ku safraya.

Ilaa iyo Haatan lama xaqiijin  jinsiyadaha dadkaasi kasoo jeedaan, iyadoo sidoo kalena ay wali maqan yihiin Meydka Boqolaal qof oo baddu liqday.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaspornews.com

Comments are closed