Shariif Xasan Oo Addis Ababa Looga Yeedhay Iyo Nuxurka Rabitaanka Ethiopia
Addis Ababa:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Dhawaan loo doortay Madaxweynaha K/Galbeed somalia, ayaa looga yeedhay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia, waxana soo baxaya warar kala duwan oo Safarkiisa la xidhiidha.
Socdaalka Shariif ugu jihaystay Magaalada Addis Ababa ayaa waxa ku wehelinayey Xubno kamid ahaa Golihiisa Wasiirrada, waxana uu ku macneeyey safarkiisa mid salka ku haya Xidhiidhka Maamulkiisa iyo Ethiopia.
Madaxweyne Koonfur galbeed waxuu sheegay inay dowladda Ethiopia ka codsanayaan sidii ay u taageeri lahayd maamulkiisa cusub ee Koonfur galbeed Soomaaliya oo dadaal ugu jira sida uu sheegay inuu Al-shabaab ka saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada uu ka taliyo.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Safarka Madaxweyne Shariif Xassan uu yahay mid daba socda Safarka Magaalada Addis ababa uu ku gaadhay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo iminka halkaasi ku sugan.
Warar hoose ayaa sheegaya in Ujeedka booqashada Madaxweynayaasha Puntland iyo Koofur galbeed ee Somalia uu yahay mid ay Dowlada Ethiopia sharaxaad uga siinayaan kulankii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay kuwada kulmeen Xassan sheekh, Shariif Xsasan iyo Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas.
SDN/QJ