Laba Nin Oo Qaadlayaal ahaa Oo Shabaabku ku Dileen Gobolka Gedo Iyo Gaadhigii ay Wateen Oo Dab La Qabadsiiyey
Garbahaarray:Feb,12,2015(SDN/QJ)-Maleeshiyo katirsan Ururka Al-shabaab, aya shalay galabnimadii Laba Nin oo gaadhi qaad siday watay ku dilay Goob u dhaxaysa Garbahaarray iyo Beled-xaawo, kadib markii ay rasaas oodda kaga qadeen.
Gaadhiga oo qaad ka soo qaaday Degmada Beled Xaawo, kuna sii jeeday Garbahaarey, ayaa waxay Shabaabku u galeen deegaanka Carro-case oo 50-km u jirtaa Garbaharey.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Shabaabku ay rasaas xoogan oodda kaga qaadeen gaadhigaasi, sidaana ay ku dhinteen labada nin, rasaasta lagu harqiyay gaadhiga waxaa qayb ka ahaa qoriga baasuukaha.
Labada nin ee la dilay, ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Burhaan Maxamed Aadan iyo C/laahi Gaas. Waxayna deegaan ahaan ka soo jeedaan Gobolkaasi Gedo.
Dhanka kale Shabaabka, ayaa dab qabadsiiyay gaadhigii iyo qaadkiiba. Gaadhiga la gubay waxa uu noociisu ahaa nooca ay Somalidu u taqaano Cabdi Billaha, oo aanu ku xidhnayn qoriga dhashiikaha/shilkaha.
Shabaabka, ayaa looga bartay inay dab qabadsiiyaan gawaadhida qaadka sida, ee ku wajahan Magaalooyinka Gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya, kuwaas oo ay si gaadmo ah ku qabsadaan.
SDN/QJ