Laamaha Amaanka Somaliland oo ku amray Abubakar Cawaale oo u Ololeeya Qaad Joojintu uu Somaliland ka Baxo,Iyo Sababaha Keenay+ Waraysi Oohin Wata oo laga Duubay (DAAWO)
Hargaysa 12.Feb 2015 (SDN/QJ)- Ciidanka dambi Baadhista Somaliland, ayaa Magaalada Hargeysa ku qabtay Abuukar Cawaale Qaadi oo ah Nin u ololeeya joojinta Qaadka,si aadana uga hadla dhibaatada Qaadka.
Mr. Abuukar ayaa Magaalada Hargeysa dhawaan yimid islamarkaana la filayay inuu ka qayb galo Munaasibad lagaga hadli lahaa Dhibta qaadka iyo qaabka loo joojin karo. Munaasibada oo Hotelka Maansoor lagu qaban lahaa waxaa ka qayb gali lahaa dad 400 ah.
Ciidanka CID-da ayaa Ninkaasi ku xabisay Xaruntooda Hargeysa balse dedaal uu sameeyay Wasiirka hawlaha guud ahaa la isku afgartay inuu Ninkaasi Somaliland ka baxo islamarkaana la joojiyo Munaasibada iyo hawlaha kale ee uu dalka u yimid.
Ninkan ayaa Xukumadda Somaliland ka shakiday kadib markii Barta Youtube ee Muuqaalada lagu baahiyo la dheehday Muuqaal muujinaya Munaasibad uu Qurbaha kaga qayb galay Ninkani oo uu ku taageerayo Kooxda Khaatumo ee haatan Burburtay.arrintaas ayaa Xukumadda ku keentay Shaki ah inuu Ninkani wado hawle kale oo fikraddaha Kooxdaasi ku salaysan.
Muuqaalka Loo Daliishanayo Masaafurinta Abubakar Cawaale Qaadi ayaad halkan ka daalacan kartaan.
“Waxaa loo sheegay inuu joojiyo xafladii uu ku qaban lahaa Maan-soor ee uu kaga hadlayey Cunista qaadka isla markaaana ay iga ogolaadeen masuuliyiintii xidhay inay soo daayaan basle waxaa loo sheegay inuu maalinta Sabtida ah dalka ka baxo” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha guud oo , waxaanu intaa ku daray “waxay ii sheegeen inay Hotelkii uu daganaa ee Maan-soor ku soo celin doonaan aniguna waxaan u sheegay inaan anigu masuulka ahay inta uu joogo wixii uu la yimaado xafladiina sidaa lagu joojiyo”.
Dhanka Kale Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamed Cali Canbaro oo Laanta Afka Somaliga ee Idaacada VOA ay Wax ka weydiisay Sababta keentay in Maalinta Jimcaha la masaafuriyo Abubakar Cawaale ayaa Sheegay inaanu Jirin Wax go’aan ah oo lagu Masaafurinayo Abubakar.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa sheegay inuu isaga siiyay Fiisaha uu dalka ku soo galay Balse hadana Laamaha Amaanka Somaliland Badan yihiin oo hadii uu danbi Galay Talaabo laga Qaadayo.
Taliyaha oo u Muuqday Mid aan la Socon Go’aanka Xukuumada ayaa ku dooday in abubakar uu Xaq u leeyahay inuu Joogo Somaliland isla markaana aanu soo gaadhin qaraar dalka lagaga masaafurinayo.
Hadaba Abubakar Cawaale oo Ku Sugan Huteelka uu Hargaysa ka degan yahay ayaa Waraysi uu Weriye Mustafe Magaalo Khadka Telefoonka kula Yeeshay Waxa uu kaga hadlay Asbaabaha uu filayo inuu go’aankani ku Yimid isagoo Mararka qaar Hadalkiisa laga dareemayo Oohin uu ka Tiiraanyaysan yahay Inuu Magaalada Hargaysa Jimcaha beri ka baxo isagoo aanay u Hirgalin inuu Bulshada la wadaago Dhibka uu leeyahay Qaadku iyo Sidii lagu xidhay qaabkii loola dhaqmay iyo amuuro kale oo Xiiso leh.
Halkan ka Dhagayso Sababaha keenay Xadhigiisa.
Hargaysa SDN/QJ