“26-ka June Kaddib Talada Dalka Lagu Maamulayaa Tan Maanta Jirta Noqon Mayso” Musharaxa Jagada Madaxweyne Xigeen ee Ucid
Hargeysa, 12 Feb 2015 (SDN/QJ)-Musharax ku xigeenka Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay inaanay jirin doorasho wakhtigii loo asteeyay ee 26-ka June 2015-ka dalka ka dhacaysa, balse marka wakhtigaasi la gaadho dalka aanay xukumadda xilka haysaa maamuli doonin, isla markaana talo midaysan shacbiga loo soo bandhigi doono.
Murashax ku-xigeenku wuxuu sidaa ka sheegay waraysi uu siiyay telefishanka Somali Channel“Doorasho Wakhtigeedii oo ah 26-ka June dhacaysaa ma jirto laakiin, talada dalka lagu maamulayo 26-ka June wixii ka dambeeyaa ta maanta jirta noqon mayso, haddii lagu haddaaqayo iyo haddii kaleba.Goboladana waanu ognahay,xarunta dalkana waanu ognahay,Mushtamaca Somaliland-na waanu ognahay, waa riyo ama Suldaan ha sheego ama Wasiir ha sheegee talada maanta lagu socdo 26-ka June hadday doorashadu inala dhaafto waabay inala dhaafaysaaye talada maanta lagu socdo lagu socon maayo ee talo ka duwan ayay noqonaysaa” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan Oo Boorama ugu Waramayay Telefishanka Somalichannel.
Musharaxu wuxuu sheegay in talada dalka lagu maamulayo bacda 26-ka June Bulshada loo soo bandhigi doono “Insha Allah War jiraaba Cakaaruu Imane taladaasi Talo shacbiga oo dhan loo soo bandhigo oo ay Shacabku yeeshaan qaadashadeeda iyo fulinteeda ayay noqon doontaa” ayuu yidhi Musharax Cabdirashiid.
Labada Xisbi Mucaarad ee Ucid iyo Waddani,ayaa dhawaan heshiis isbahaysi ah saxeexday islamarkaana sheegay inay talo midaysan ka yeelan doonaan dib u dhaca doorashada iyo wixii laga yeelayo, waxaana hore Mucaaradku u iclaamiyay in dawlad wadaag ah la dhisi doono haddii doorashada wkahtigeeda lagu qaban waayo. Ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacayso maadaama aan illaa hadda lagu dhawaaqin wakhtiga doorashada sidoo kalena aan la samayn diwaangalinta Codbixiyeyaasha oo aanay la’aanteed qabsoomi Karin.