TOOYASHO IYO TOOGOBEEL Gabay Xiiso badan Abwaan Sacad Axmed Xasan Roodhiile
Gabaygan tooyasho iyo toogobeel waxaa curiyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile. Gabaygu wuxuu ka hadlayaa siyaasaddan qabyaaladda ku dhisan iyo saamaynta xun ama taban ee ay ku yeelatay bulshadda Somaliland, sida ay hogaanka qaranka iyo asxaabta siyaasiga ahiba ugu fashilmeen inay dadka qabyaaladda ka saaran oo ka guuran geeddi dheer. Gabaygani wuxuu ka mid noqonayaa gabayada ugu dheer ee laga unkay xaraf-raaca Ta-da dhinaca qaafiyadda, waxaana ku jira in ka badan 500 oo ereyada Xarafka ta-da ku bilaabmaya intii ugu badnayd, taasi oo laga helayo ama dib u soo noolaynaysa ereyo badan oo isticmaal koodu yaraday in dhawayd; gunaanadka beydadka gabaygani waa duco,macnaha ereyadda ugu adag ee gabayga ku jirana waxaa lagu macneeyey halka hoose ee dhamaadka gabayga.
- Tixdii gabay beryahan maan tisayn,tuducyo dhaadheere
- Tigraar aan u dhigay waa hora, weli ku taagnaaye
- Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
- Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
- Tigin meeris gudban dhaabi jiray, ma isku tiir tiirshay
- Ma tusmeeyey dulucdiisa gabay, taxane weeyaane
- Kolkii gabay tufkii daawo sido, taabud weeyaane
- Hurdadii habeen toos i yidhi, talal miyaan guuxay
- Sida taleefan uu haatif wado, tuducyo ii keenye
10. Anoo tamashle socod gaaban rabay, ma i taraarsiiyey
11. Meeshaan kolkii hore taglaa, tahan kolkaan dhaafay
12. Tabaabushe anoo gabay u daban,toddob sidii hoorye
13. Sidii niman taraag dheer ku jira, awrtii aan tu’inin
14. Oo tiigsan meel durugsanoo, gaadha toban geeddi
15. Buraashaday kabani taagnidiyo, socodkay toorayni
16. Anigana tallaabadan dhuftaba,gabay i soo taabye
17. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
18. Afartaasi arartii tix-maal, togonkii ma u taagay
19. Tuduc kale dunida tamashle maray, gabayga taarkii dhe
20. Tog-wajaale ilamaa taleex, golliska buur teedsan
21. Badda xeeli taagyada sanaag, tokhoshi baasheeda
22. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
23. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
24. Bal aan taabto halkay boogtu tahay,waad i tebayseene
25. Beershiyada iran tehran kuwaa, tuunis ku tacliima
26. Badhkaa ganacsi taylaan u tagay, shiine iyo taywan
27. Hiroshiima tokyiyo jabaan , moodhadhka tiyoota
28. Taaj-mahaal buumbayda hindiya, taamil sari laanka
29. Talaabib iyo falastiin qulqulad, tuuryadda gantaalo
30. Tennesiida maraykaan degiyo, beerihii taksaas
31. Taliska quruumaha midoobay, tawarkii niyuuyok
32. Togga webiga minasoota mara, tiimanka shikaago
33. Niyuu jersii dheegay ku taal, tarenton caasimadda
34. Xaruntaa tubeeka ee kansas, taaga koloraado
35. Misiisibii webiyo is tarraxay, cidhif baddii taabtay
36. Mantoonana samiirow dhex tegay, buuraleey taxane
37. Tallahaase faloriida iyo, joorjiya atlaanta
38. Talyaaniga faraansiyo turkiga, jaalyaddii toronto
39. Tirana iyo albaaniyada yurub, tanaladii noorway
40. Tijagistaanida bari xigtee, tidicii ruush goysay
41. Iglan goobta tootanham iyo hitrow, tagsigii biristool
42. Shifiil golaha taageeray qaran, foodki loo taagay
43. Tansaaniya yugaandhiyo kiinya, toogo iyo maali
44. Badda tooxle marinka jabuuti, ticisidaa yamani
45. Itoobiya tigreega maqale , taana hara buuxa
46. Soomaali meeshaad tegtaba, waa tamuuxdaase
47. Giddigood kolkaan taar u diro, way isu tebiyaane
48. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tebayseene
49. Afartaa taxtaxaashkii gabay, telekiskii caalam
50. Tuduc kale tixraac iyo dhigaal, qalin tawaadii dhe
51. Gabay iyo naftaydoo tallamay, tuducyo soo maaxday
52. Tu’u gabaygu garab daar yidhiyo, tii qalbigu doontay
53. Talantaalli dood iyo sarbeeb, doobiga tandhaafay
54. Sidii daad takaariga jebsaday, tuuro soo kiciye
55. Waxaan taw guraa sidii amxaar, tiisi ma u raacay
56. Ilayn gabay tubtiis lama duwee, gees iskaga taagay
57. Murti tiimbad hirar aan dhexgalay, tiriyey oo sheegay
58. Markaan idhi xarfaha tee guhaan, gabay tasniifkiisa?
59. Wuxu yidhi ta-da gabay turqaday, bixin tafaasiisha
60. Mar aan idhi halkaa wuu turqiyo, hebelna wuu taaban
61. Wuxu yidhi shacbiga uma tudhaan, lagu tacshiireeye
62. Marbaan idhi adoo tacab dhaqaa, kaaga tabar roone
63. Wuxu yidhi dantii niman ka tegin, shicibku wuu tebiye
64. Marbaan idhi qallooc toosahayn, qalinka meel tiiri
65. Wuxuu yidhi tusaalee bulshadda, loo tawaan waaye
66. Marbaan meeris toddobaatan idhi, tiradu yay dhaafin
67. Wuxu yidhi hummaag gabay taswiir,tuducyo soo muuqde
68. Marbaan idhi turxaan yuu ka tegin, tarraqa baaruudde
69. Wuxuu yidhi takhtar cudurka baadh, qarankan taahiiye
70. Marbaan idhi xisbiga ii tilmaan, talada loo dhiibo
71. Wuxu yidhi tareen aanad hubin, tigidhkii ha u goosan
72. Toos iyo si gaaraba haddaan, hoggo tusaaleeyey
73. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
74. Afartaa tammuun taan u ganay, tiigsi ma u tuuray
75. Afar kale tisqaadkii xisbiyo, tu’aan saluugaayo
76. Xisbiyadan mabda’ii tiir lahayn, tooyasho mooyaane
77. Xisbiyadan tartiib iyo tixgalin, talo-wadaag oolin
78. Xisbiyadan kolkii talax-gabeen, beelihii talini
79. Xisbiyadan tukube ulaha booc, taayir rogi waayey
80. Xisbiyadan siyaasadda tigtigan,tiro yar kaa sheegan
81. Xisbiyadan qabiil shaadhki tolay, tamarna aan yeelan
82. Xisbiyadan ragii talin lahaa, tabashadii guuray
83. Xisbiyadan tahanbaabiddii,lagu tabaaloobay
84. waxay tab iyo xeel moodayaan,waa tolla,ay madhane
85. Toddobadii dhashee urur saddexdii,taranka soo booday
86. Ee tiro dhibcihii loo tirshaa, taagan maantana e
87. Saddex taban mataanaysee ucid, waa tafiir qudha e
88. Isku taagan asxaabteena qaran, xeer toleedyada e
89. Adoo toban guyaal tiro ka badan, tacab la soo meershay
90. Cidlay kaaga tegi maalintii, tooda gaadhaane
91. Saddex daran mid uun toggo hadday, taladu taagnaayo
92. Sow cabdow waxaan taawilo nidhaa, tii shalaay maaha?
93. Wax tar malee qabyaaladde dadkay, kala tagsiisaaye
94. Adhaxdiyo tun qaar baa ka jabay, oo takooreene
95. Takhaantukhin afkay u tuurayeen, tuutaley badane
96. Waa kii tawaawacay intuu ,diray tayaaq dheere
97. kolkii taagan tahay doorashay, tanag garaacaane
98. Tartan iyo hungurii kama hadhaan,tirsigii daashaday
99. Tuur iyo tarbiica isku yeel, tahar ma gooyaane
100. Reerba reer intaa uu turfayn ,taransan maysaane
101. Middi middi ku taag iyo qabiil, taxadka gaadhsiiye
102. Dadku inuu kasoo taagan yahay , taasna ya u sheega?
103. Ma tognee hankaad damac tidhaa, waa tabceeyaane
104. Ma toosne waxaay taabbagalin, taal horoo yaale
105. Ninkaan taano lacag buuxa hayn, foodki ka tasoobay
106. Tirtirsigii siyaasadan ligligan, la isku taag sheegtay
107. Tiigaalid dheer iyo himilo, qaran tubtii waaye
108. Taamilo kulmiye kuugu filan, turun-turoontiiye
109. Tahlid waaye shirweynihii xisbigii, ugu tun waynaaye
110. Tusmo iyo qabiilkii ergadii ,tuurta lagu qaatay
111. Waa kaa la tiictiici weli, socodka taag waaye
112. Tamuuxaay ka badan yihin ragay,tacab qasaarsheene
113. Faro madhnaan inay taagan yahin, tollaw yaa u sheega?
114. Tastuur xeer u yaal kuma dhaqmaan,waa tarjumad beene
115. Kolba hebelka badhi taarayaan, loo tartar jeexye
116. Turub iyo ciyaar tiro-mutuxan, teeriskii badiska
117. Marna laba tagoogod may is duldhigin, tamani goodiiye
118. Toobalcaare dimuqraadigiyo , tuhunkan beenoobay
119. Sidii dhidar badh ay toociyeen, taas ma loo joogay?
120. Bal aan taabto halkay boogtu taal, waad i tebayseene
121. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
122. Maah-maah tiraabtii rag hore, taan ka soo gaadhnay
123. Saddexdii ragga u tayo xumaa, tiro ka saareene
124. Ma toshaha ma tashade iyo nimaan, kuu tashiilayne
125. Saddex kaa tirtira madaxtinimo, taabideediiye
126. Gacan gudhan dadkana aan wax tarin, tiyo ilaah siiyey
127. Gudoon jilicsan taladii saxoo, teeda garan waydo
128. Garta eexo tiiyood dulmiga, xumaha taageerto
129. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
130. Tuduc kalena waxaan toogahayn, tagrifal koodiiye
131. Hore tuug hadduu baraq nuglaa, cararka tuuraayey
132. Habeen yimid tiriig wayn mid sidan, toos u soconaaya
133. Dhulku taakin buur iyo bannaan, tafaqsigii roorye
134. Tulud geel ma deeqaan taggani, tuushe xoolaha e
135. Taaloog intuu goostay madax, kaa tun waynaaye
136. Turuq wayn ma yeesheen nimaan, taadu saacidine
137. Hadduu jaqafta toorrey ka siin, gacanta loo taagin
138. Toojo ba ninkii maali jiray, wuu todraac garane
139. Bal tabtaad ku qaban sheeg hadduu, kaaba tagi waayo?
140. Kolba nimanka tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
141. Afartaa siduu taangi riday,ma iska daba tuuray
142. Afar kalena waa teeri gabay, tabobar kaygiiye
143. Tuduc kale tilmaan waxaan holladay,taan u wada joognay
144. Tagto hore mid taariikh dhacdiyo, tani hadeer taagan
145. Dawladnimadda tiir waxaa dunshaa, tacaddi weeyaane
146. Dad cadhooday dhagax tuur haddaan, toogo laga baajin
147. Tarab-tarabka shicibkaa udhiman, lagu tacshiireeye
148. Yaa bixin tacriiftii cashuur, tarango weeyaane?
149. Haddii teello loo dhigan nafaha, taas mayeedheene
150. Tiiranyooday dhibaatadan dhacde,turuqday laabtiiye
151. Tacsi gabay togdheer waani diray, dhiigi tifiqleeyey
152. Tubtay qaaday taniba ka daran, tawraddii hora e
153. Askar tuuto xidhan oo wax miri, taas ma loo joognay!
154. Ma tumaatiyin reer iyo nimaad, hebel tidhaahdaane
155. Nin waraabe taagyadan arkaa, taash ma saareene
156. Waa taallo beenaad kolkaan, toosh iftiin shido e
157. Qof hadduu tabiino uu lahayn, tabar yar ood sheegto
158. Tahna uu abaalkii ka guddin, shicibki taageeray
159. Oo weli annaa taagan odhan, taniba waa yaabe
160. Madax jecel tahniyad iyo ammaan, loo durbaan tumaye
161. Turufoole yaal qayladiyo tookh, tunbuur yar moodayso
162. Oo tawtawda hadal aan wax tarin, tiil ku dhimanaaya
163. Tunbul reero maqashiinta qaw, taas ma loo joogay?
164. Tacluusta qabyaaladdan fidiyo, tiih bulshadii haysta
165. Qudhun huursan hogaan naga tirtira, tallow ayaa sheega?
166. Tobanaan kan kune wada sharaxan, tooyashiyo reero
167. Tabyaqaan siyaasiya lawaa, tammadin raac naaye
168. Sidii timir xabaal taal hadday, kaa tukaansaniye
169. Nin is yidhi laf madhan toobin saar, tuujin ku haraadye
170. Tuulo tuulo reeraha u shiray, taas ma loo joognay!?
171. Samatarow dad toodibo aan qabin, dabinka loo taaray
172. Oo taxadder foojigo war helin, talada gaadhsiine
173. Tijaarada haddii maalgashiga ,tuubo lagu nuugo
174. Tabqasee dhaqaalaha fagmiyo, taddawur kaa baaqday
175. Xukun iyo awood tasarrufkii, taas ma loo joogay!
176. Tacliintay dhigtaan jaamacado, kuma tanaadiine
177. Tacabkii dhaqaalaha ku baxay ,dayr la taagaayo
178. May ku taamin tiro-koob shaqada , inay ka tiirshaane
179. Saxaraha tahriib dheer hayaan, taniyo tiribooli
180. Talyanigaa u sii dhaafayaan, yurub intay tiigsan
181. Tahluukadii badweyn lagu haligay, taas ma loo joogay!
182. Doorasha shinkeed taagan yahay, tebis hadduu mooday
183. Sow ma tirino talaatiin bishii, tahanta aan guurno?
184. Teeraanka ciyaar lagu tartamo, teesaro diyaarsan
185. Tabkac kordhintii guurtida la sugo, taas ma loo joogay!
186. Ninka foojignaa sida Tukaha, tuuryo lala waaye
187. Goortuu tabaysigii tashaday, garay tabtoodiiye
188. Tabco dhexe ninkii lala helee, tiinka lala jiidhay
189. Tiiftiifka hirigtay marsheen, taas ma loo joogay?
190. Taakh hore ragii cadho takh yidhi,ciil taftaafeene
191. Tamayuluq rag tii hore bursaday, taas ma loo joogay?
192. Ninkaan galin turaabida wathtigu, wuu is tarayaaye
193. Tuska jira kaliil roob cirkaa, tiixu soo muuqdo
194. Tincad qodax gabowda tifbay, kaaga sii tagiye
195. Mujin iyo taqsiin maalin qudha, loo tacaal badiye
196. Tiyoo ruuxba ruux uu tasayn, taas ma loo joogay?
197. Tifiiyadda dadkani taaganee, tororog laynaaya
198. Ee tuban habeen iyo dharaar, timocaddii odayo
199. Tiiqtiiqsi dhiiliyo colaad, tamadac weeyaane
200. Tafantaaca hadal riiq ka taraa, toobbonaan malehe
201. Taageeraday labo gacmood, tahan ku yeeshaane
202. Taharow tiknoolajiyadaa, loo tartamayaaye
203. Dalkeena wax badan tooyad reer,temmin ku miisaanay
204. Tarwadhid qaran kolkii uu ku jira,waan tin guranaaye
205. Maadhiin ina tuyuubow adduun, tooman weeyaane
206. Foodkii kuwii naga tirtiray, wacadna noo toosin
207. In tahniyad abaal looga dhigo, taas ma loo joogay?
208. Afka tolan saxaafada la tigay, qufulka loo taagay
209. Garsoorka tarxiil loo jarriyo,xukun tahbiib yeedhin
210. Tarshad ceebay qarankii ku tahay, tiimbaro go’iine
211. Kolba nimankan tuur dhagax dhigaa, ha iska tookhaane
212. Bal aan taabto halkay boogtu tahay, waad i tabayseene
213. Afartaa tacliiq gabay baxshiyo, taan u soo joognay
214. Tuduc kale tagxeel fikir u dhigay, tawlanaan gabay dhe
215. Marbay fari tog-dheer kula xushaa, tiigsi kaa dheere
216. Marna taako kuu joogsataa, gacantu taabtaaye
217. Marbaa xadhig taxii kaa murgaa, togidda diidaaye
218. Marna tidicyo dheer kuu mudhaad, aad tafniidaaye
219. Marbaad orodka taw aad tidhaa, taag ku soo celine
220. Marna tawsta ciil kugu gudhaa, taag yaraataaye
221. Marbaad tadhaq nin raga aad u dishaa, taada biiyaaye
222. Marna geesi tabantaabisaa, toogada awdaaye
223. Marbaad hilinka toobiye heshaa,iyo hoggaan toosan
224. Marna hantaaq taraaraxa dib dhici, tootiro habaare
225. Marbaad taqwoda iimaanka xoog, lagu tijaabshaaye
226. Marna dunidan sidaan laga tagayn, taab ibliis cadawe
227. Marbaad taad u dhaqaaqdaba danta, aad tudhsiisaaye
228. Marna talaabo shay kuu jiraad, taabka gaabnaane
229. Marbaad toggag barwaaqa ah dagtaa, midhaha tuushaaye
230. Marna tafantoof cayd iyo haraan, gali tahriib dheere
231. Marbaad dawlad taag weyn toolmoon,qarankii taabiciye
232. Marna tuulo reer kiinu yaal, taaj yar kuu toliye
233. Talanteel adduunyaa ku dhisan, taxad ilaa fooqe
234. Ninka tiirka eebbe cuskadaa, tooggo-beel gaadhye
235. Ku tuntuunso diintii islaam, tani intaan joogto
236. Afartaa murtida taabagala, tax iyo weegaar dhe
237. Tuduc kale ducadii toobad doon, eebbe tu’an tuugnay
238. Eebbow calankan tawxiid ku yaal, dawladnimo taama
239. Eebbow tafaafulka qabyaaladda, tafarruqay keentay
240. Eebbow qaranka towfiiqda maqan, tanaasul la waaye
241. Eebbow tagaabodii na sii, tawakalkii raacnay
242. Eebbow tusbaxan waxaan u rogi, waa tasbiixdaaye
243. Eebbow tafsiirkiyo quraanka, nagu talaal laabta
244. Eebbow taxliil awliyo dhigtiyo, geesi la tilmaanto
245. Eebbow talaammiidan badan, tacabbir yaaceene
246. Eebbow tufaaxaan tirsano, takliif soo yeedhe
247. Eebbow ninkii taag yaraa, uma tudhaayaane
248. Eebbow caddaaladdi ma taal, kuway taxaabeene
249. Eebbow tahdiid cago jugladaa, gure taqsiir baase
250. Eebbow badhbaa taariigoo, tayga soo xidhane
251. Eebbow dhaar tallaahida guraan, taa’ib laga waaye
252. Eebbow aday taada tahay dunidan, taagan amarkaaye
253. Eebbow tamcaarodii baryada, ducada noo tiiri
254. Eebbow miskiin badh aan taakulayn,toob u soo xidhaye
255. Eebbow musheekh tabarruc badano, taqiya oo fiican
256. Eebbow takbiirtiyo dikrigaa, taajud kuu gaara
257. Eebbow tarbiyo iyo akhlaaq, dhawr taafiirtaayo
258. Eebbow tabaalaha adduun, talaf ha noo keenin
259. Eebbow ma tirin karo nimcadaa, taala dunidaaye
260. Eebbow salaadaanu tukano, tiirkan ku hanuunay
261. Eebbow danbigii toobay nidhi, khayrkii nagu toosi
262. Eebbow khayraadkan tuushay dhulkani,taraqi weeyaane
263. Eebbow tuubo caano ah na sii, lama tahriibeene
DHAMAAD
Macnaha Ereyada ku jira Gabayga
- Toogobeel = Baahi-beel , kaaftoon qofko ka maarma in gacan qof kale ku tiirsanaado
- Tooyasho: Warsasho qofka reerka uu yahay, reer maad tahay, yaa tahay qabiilka.
- Tisayn= ooda marka la is dulsaar saaro ee meel banaan loo diido, tis oo ah ka dhigid,
- Tigraar= Qori lagu tiiriyo shay soo dhacayey, sare u qabta, kala haya laba shay oo isku soo ciiraya.
- Tigin= Qodin yar oo dhulka lagu taago, sida biraha taanbuuga, ama hargaha marka la dhisayo.
- Tooraynta= Waa socod toos ah degdega oo aan leex-leexad lahay
- Togon= Laan laga soo gooyo geed biri magaydo ah oo udub dhexaad guriga arooska ah lagu taago.
- Moodhadh– gaadhiga ama baabuurka
- Tawaad= Awood ama xoog, loo tawaan waaye
- Tallamay= Tashi, ka feker waxaasi sidii noqonayo
- Tirana= Meel magaceed, caasimada dalka albania
- Tahan= Awood ama xoog
- Tahan 2 Micno kale cabaar, masaafo, wa xoogaa
- Haatif= waxaanad arkayn oo kula hadla
- Taabud= wanaagsan, ama burji
- Tasayn= xaqirid, yaraysasho, fogayn
- Tookh= Faan iyo is amaanid
- Buraashad= Weyso yar oo biyaha lagu shubto
- Tix-maal= Abwaanka qofka suugaanta tiriya
- Tallahaase= Meel magaceed, caasimada golbalka florida
- Koloraado=Meel magaceed gobol ka mida maraykan
- Taawilo= Wakhtiga soo socda wax ka sii sheegid
- Tabaaloobid= dhibaatoobid, wax qof dhib ka gaadho
- Tayaaq= Dhawaaq dheer oo gargaar lagu dalbanayo
- Tahanbaabid=hungoobid, waayid waxaad filaysay
- Toggo= Doorasho ama xulasho
- Taamilo= Wax kugu dhacay oo cashar ama waano lagu qaato wixii kaa soo maray.
- Tamuux= Ciida dhulka, wax tammuuxda ka badan
- Tamani= Sawirasho ama ka fekerid arrin
- Tartar= Dhinaca garabka ama feedhaha hoos tooda
- Teeris= Ciyaarta turubk saddex waraaqood oo kolka isku beeg maan lagu badiyo
- Toogahayn= ka warqabid siday wax yihiin
- Tafaqsi= Xoogsi aan loo aabbadayin
- Todraac= xeeladda lagu maalo neefka diida in la liso
- Teeri= Waran yar oo meel la qabsado leh
- Tabiino= waxtar af ama adig ah oo aah tarto
- Tahna= in yarna, wax yarna, inyarna ka ma soo helin
- Turufoole= beenaale, qof dadka been u sheega
- Tunbul= reero ama dad meel wada degan
- Tunbuur= Dacaw yar ama dawaco yar
- Tacluus= xanuun baahsan oo dadka mar ku wada dhaca
- Tammadin= Qof ku dayasho mudan oo lagu hiran karo
- Toodibo= Digniin qab, ka war qabid
- Taddawur= Horumar iyo wax qabad
- Tasarruf= wax sidaad doonto ka yeelid
- Tanaadin=Barwaaqo gaadhid
- Tahluuko= Dhimasho dad iyo xoolaba oo dhacda
- Tabkac= Arrin ama go’aan dhibaato mar lagu dhaafo
- Tiiftiif= Jeex jeex mid diirka sare ee qof
- Taakh= Lugooyo ama ku hantaaq mid
- Taftaafeene= Xanuun ku dhacay la caatoobid
- Turaabida= kalma carabiya oo ciida ama carada
- Tamandac= Hadal meel ka dhac ah hantaatac
- Tafantac= Daan-daasi iyo gardaro
- Tobboon= Wanaag, fiicnaan
- Tarwadhid= Talaxgab, awood la,aan wax qabad
- Temmin= qiime wax lagu goosto
- Tahbiib= Diidmo ku qasbid wax aanad qof doonayn
- Tahdiid= Caga juglayn iyo tacaddi dadka lagula kaco
- Tooman= wax kala dhiman, sida bilaha dayaxa
- Tarshad= biyo ku saydhin ama shay qoyan oo kale
- Tiimbaro= shaanbadda xafiisyada waraaqda lagu qor
- Tacliiq= faallo ka bixin wax la sheegay sida war
- Tagxeel= farshaxanimada wax loo dhigo, sida hadal
- Tawlanaan= Wax isku habaysan oo isku duba ridan
- Togidda-= Furfurmida xadhiga ama taxa
- Tafniid= Kala baandhayn, kala bixbixid
- Tadhaq= Nacas qof nacas ah oo seedi u dhanaanayn
- Tootiro= Qof nasiib daran oo meeshu joogo roob ku helin
- Taab-gaabni= Adin gaabni, cag culays
- Tafantoof= qaq iyo qaxoonti, bayhoof
- Toolmoon= Wanaag, wax fiican oon nusqaan lahayn
- Tagaaboda= Hirgal ama meel mar
- Tacabbir= Tahriib ama dhalandhool
- Taa’ib= qof danbiga ka toobad keena
- Tamcaaro= Duco ama alla bari dadku isku yimaado
- Talaf= Dhibaato ama masiibo timaada
- Taraqi= Qani ama barwaaqo horumar(kelmad carabi)
- Teeraan= Garoonka ku bada lagu ciyaaro
- Tulud= Neef geela
- Tanaladii= kelmad ingiriisi, godadka buuraha hoos mara ama ka dhex dusa.
- Tooxle= Balaadhan ama balac aweyn
- Tammuun= Tuuryo sida warmaha
- Toobal-caare= Shay la kala ergisto
- Mantoona = meel magaceed, Gobol maraykan ka mida
- Misiisibii= meel magaceed., gobol ka mida maraykan
Fiiro-gaara: Kelmaduhu waxay u kala horeeyaan sida gabayga beydadkiisu u kala horeeyaan intooda badan.