Aragtida Beesha Caalamka ee Ansixinta Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid
Muqdisho 11.Feb 2015 (SDN/QJ) Beesha Caalamka, ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen ansixinta golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya meel-mariyeen.
War-saxaafadeedka ay si wadajir ah u soo saareen; Qaramada Midoobay Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD Ingiriiska iyo Maraykanka, iyaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Raysal-wasaarahaba inay hore u wadaan howlaha dowladda Somalia oo uu ku yimid hakad, si dalka loo gaadhsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.
“Si wadajir ah ayaan u soo dhaweynaynaa ansixinta xukuumadda Soomaaliya ee cusub, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dalka iyo hay’adaha kaleba inay u wada-shaqeeyaan si wadajir ah, si looga dhabeeyo hirgelinta aragtida 2016-ka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka beesha caalamku soo saartay.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in la meel-mariyo hannaanka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, sidoo kalena looga baahan yahay dowladda federaalka Somalia inay haw-laha dhiman hirgalintooda xoogga saaraan.
“Waxaan kaloo ku dhiirri-gelinaynaa wasiirrada ku jira golaha wasiirrada iyo qaybaha kale ee bulshada inay gacan ka geystaan sidii uu dalku horay ugu sii socon lahaa, loona gaari lahaa halka la higsanayo,” ayay xubnaha kala matalaya beesha caalamka ku sheegeen qoraalkooda.
Dhinaca kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxay qoraalkooda ku xuseen in sannadkan 2015-ka uu muhiim u yahay sii wadidda guulihii la gaadhay iyo sidii dalka oo dhan loogu hirgelin lahaa xasilloonada, si nolosha shacabka loo hagaajiyo.
Ugu dambayn xubnaha beesha caalamka ayaa waxay war-saxaafadeedka ay wadajirka u soo saareen ku sheegeen inay cambaaraynayaan dilkii loo geystay shalay ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Cabdilaahi Qayaad Barre oo baarlamaanka Somalia ka tirsanaa, xukuumadda Raysal-wasaare Sharmaarkena laga sugayo inay cadaaladda hor-keento kuwii dilkaas ka dambeeyay.