Wareysi dheer oo aanu Cali Sanyare la yeelanay oo noqday hadalheynta u badan ee Akhristeyaasha, ka bogo qeybaha uu ka kooban yahay
Geneva Feb 10,2015(SDN/QJ)-Waxaanu bishii Janawari ee sandakan la-yeelanay wareysi dheer,Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali -Sanyare) , oo ahaan jiray Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ah ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale ,oo dhinacyo badan ka taabtay xaalada hadda somaliland ku sugantahay. Wareysigaas oo taxana ah wuxuu maqalkiisa iyo daabacaadiisuba soo baxeen 30 kii Janwari 20015.
Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA uu Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu isagu weli ku jiro saaxada siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka
Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay.
Wareysiyada taxanaha ah ee kale waxay soo bixi doonaan todobaad walba maalinta Jimcaha . Waxaanay socon doonaan ila 13ka Maars, 20015ka. Waxay soo kala bixi doonaan wakhtiyada hoos ku qoran:
Q
>>>>>> QAYBTA SADDEXAAD: (13ka febarwari) Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.
>>>>>>> QAYBTA AFRAAD: (20ka Feberwari).Waxay ka hadli doonta higsigii ahaa in loo helo somaliland nidaam maaliyadeed oo hufan oo xakameyn kara xatooyada hantida qaranka. Wuxuu Wasiirku farta ku fiiqi doona caqabadaha hadda hortaagan nidaamka maaliyadeed ee ah in looga gudbo sidii dib-u-eegid iyo dib-u-cusbooneysiin
loogu sameyn lahaa nidaamka meelihii looga baahanyahay.
>>>>>>> QAYBTA SHANAAD:(27ka Feberwari) Waxaxy taaban doonta muranka soo-noqnoqonaya ee ka dhex allowsan xukuumadda somaliland iyo bulshadeeda,kuna saabsan iibinta ama ku-wareejinta gacmo gaar ah hantida qaranka ee lawada leeyahay. Wuxuu Wasiir Cali-Sanyare iftiimin doona waxa muranku salka ku hayo iyo wuxuu ku tilmaamay inay ka khaldanyihiin dhinaca xukuumadda.
>>>>>>>>> QAYBTA LIXAAD:(6da Maars) Waxay si balaadhan u qaada dhigi doonta sida aduunka looga fahansanyahay TACBIRKA ama TAHRIIBTA, iyo malaayiinta qof ee gaaf-wareegaya dunida iyagoo raadsanaya nololo cusub oo dhaanta kuwii ay dalalkooda ku haysteen. Wuxuu Wasiirku soo xigan doona afar qodob oo fulintoodu aasaas u yihiin xakameynta TACABIRKA ama TAHRIIBTA oo Ilaa hadda laga fulin kari la’yahay dalalka laga tahriibayo. Wuxuu caddeyn doona in dunida hore ugu taag weyday xakameynta TACABIRKA ama TAHRIIBTA, balse lala saxiibi karo. Wuxuu tilmaamo ku dayasha mudan u soo qaadanaya dhowr dal oo TACBIRKA ama TAHRIIBTA la saaxiibay iyo faa’iidooyinkii uga soo baxay.
>>>>>>>>>>> QAYBTII TODOBAAD:( 13ka Maars) Waa tusaalooyin iyo talooyin qiimo badan oo ku wajahan bulshada Somaliland, Madaxweynaha Jumhuuriyada Somaliland iyo labada xisbi qaran ee mucaaridka ah.