|

Madaxweyne-ku-xigeenka Maxakamadda The Hague Oo Ka Dareen Celiyey Xilka Sare Ee Loo Dhiibay

Hague:Feb,10,2015(SDN/QJ)-Cabdiqawi Yuusuf Oo Loo Doortay Madaxweyne-ku-xigeenka Maxkamadda Caalamiga ah ee The Hague, ayaa markii ugu horraysay Ka Dareen celiyey Xilka Culus ee Loo  dhiibay iyo shqada u taalla.

aaloCabdiqawi oo u warramay idaacadda VOA-da, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilka uu qabtay, waxana uu hoosta ka xariiqay in shqooyin badani horyaallaan, “haddaad xilkan qabato maamulkii maxkamadu adigay ku saaran  tahay in la metelaana adigay  ku saaran tahay iyo walba dhinaca diblomaasiyadda iyo maamulka maxkamadda waana masuuliyad dheeraad ah.” Ayuu yidhi Cabdiqawi.

Cabdiqawi oo noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee shaqo heerkeedu sidan u sarraysa qabta, ayaa sheegay inuu muddo saddex sano ah xilkan hay doono, waxana uu tilmaamay inuu hore muddo lix sano ah shaqada maxakamada ugu soo jirey oo aanu ku cusbayn.

Ugu Dambayntii Sharciyaqaan Cabdiqawi oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Mustaqbalkiisa iyo qorshihiisa dhaw, ayaa sheegay in mashquulka uu yahay dartii aanu arrintaas ka warrami Karin, isagoo ku adkaystay inuu ka warrami karo kaliya marka uu xilkaas dhamaysto, waxana uu yidhi,

“mashquul baanu nahay  oo saddex saddex sano ayaanu u shaqaynaaa, goorta ay dhamaadaana ayaan ka warrami karaa Qorshahayga Mustaqbalka.”

Cabdiqawi Yuusuf, ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyey dhinaca soomaalida ee Noqda Madaxweyne-ku-xigeenka Maxakamada caalamiga ah ee The Hague, waxana uu xilkaas hayn doonaa Muddo saddex sano, iyadoo madaxweynaha Maxkamaddana loo doortay Xaakin u dhashay dalka Faransiiska, waxana xusid mudan in maxkamadda ay hortaallao dacwad la xidhiidha muran dhinaca badda ah oo u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed