|

Xukuumadda Cusub Ee Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Soo Dhaweyntii Ugu Horraysay Ka Heshay Dalka Maraykanka

Newyork:Feb,10,2015(SDN/QJ)-Kadib markii  Xukuumadda Cusub ee Ra’isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Soo dhisay ay codka kalsoonida ka heshay Baarlamaanka Somalia, ayey Xukuumadda Waddanka Maraykanku sheegtay inay si weyn u soo dhaweynayso Dawladaas.

xaakJames Mc Anulty oo ah wakiillka Gaarka ah ee  Maraykanka u qaabilsan Dalkka Somalia, ayaa sheegay in xukuumaddiisu soo dhaweynayso Dawladda Cusub ee La Ansixiyey, taas oo uu sheegay in wakhti badan la geliyey.

“Dowladda Mareykanka ayaa waxay dhiragalineysaa talaabadda ay qadeen dhamaanba qeybaha kala duwan ee suurtagaliyey in laga gudbo siyaasadii cakirneed, lana dhiiso xukuumad shaqeyneysa. Waxaan ku boorinayaa dhamaan dhinacayadda kala duwan in ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan si hormar looga sameeyo dhinacyadda siyaadda iyo amniga lana gaaro himilada 2016, ayuu yidhi SRS McAnulty.”

“Dowladda Mareykanka waxaa ay garab taagantahay dowladda Soomaliya, waxayana la shaqeyn doontaa dhamaan wasiiradda cusub ee la ansixiyey, Raisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo hogaamiyaasha maamulada gobolada iyo kuwa soo socda si loo hormariyo amniga iyo dowlad wanaag iyo weliba horumar dhaqaale oo ay umadda Soomaaliyeed hanadaan.” Ayuu sii raaciyey Qaraalka uu Wakiillka  maraykanka u qaabilsan Somalia soo saaray.

Shalay ayey ahayd Markii xukuumadda Cusub ee Ra’sal wasaare Cumar Cabdirashid anixiyeen Golaha Shacabka Somalia, waxana isla Markiiba dhaariyey Guddoomiyaha Maxakamada Sare Ee Dalka, iyadoo la filayo inay si degdeg ah u la wareegi doonaan Shaqooyinkooda si loo dardargeliyo Hawlaha Xukuumadda Oo Muddo afar bilood ah hakad ku jireen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed