|

Nin Maskaxda Ka Xanuunsanaaya Oo Meel Faras Magaalaha Caasimadda Ah Shalay Baahi Iyo Gaajo Darteed Neef Xoolo Ah Nolosha Ku Diirtay

Hargeysa Feb 10,2015(SDN/QJ)- Shalay Abaaro 5:00  Fiidnimo, ayaa waxa ay arin argagax iyo naxdin badan oo  nooceedu ugub ku yahay shacabka degan magaaladda hargeysa uu ka dhacay meel ka mid ah faras maalaha caasimadda, ka dib markii uu dadweynihii waddada agmaraayey la mar qudha ku war heleen, nin dhinaca Dhimbirka ee Maskaxda ka xanuunasaya oo ay hoy u aheyd meel Saaqiyadda dhusheed ah oo  dhinaca Galbeed ka xigta Daarta Ganacsiga ee Deero Mall wax yarna dhinaca Wabari  ka xigta Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland, halkaasi oo uu si la ma filaan ah ninkaasi sida Xayawaanka oo kale uu Neef Xoolo ah nolosha ugu googoostay, arintaasi oo fajiciso iyo yaab ku noqotay dadweynihii waddada hareerteeda maraayey oo argagax ka qaaday dhacdadaasi. 

Waxana dad aad u tiro badan oo ka mid ah dadweynaha Caasimadda Hargeysa ku dhaqan ee goobtaasi waddada ah maraayey , ay shalay buux dhaafiyeen kuna urureen ninkan dhimbirka ka xanuunsanaayey oo Gaajo awgeed u geysay in uu qabsado  Neef sida qaar dadkaasi ka mid ahi sheegeen waddada agmaraayey (Neef yar oo RIYA) oo sida Bahalka oo kale inta uu googoostay iyada oo nool.

 

Warkan oo uu  Wargeyska Saxansaxo daabacay maanta waxa uu intaa ku daray in weriye ka tirsan wargeyska  oo isla goobtaasi arinta naxdinta badani ka dhacday wakhtigaasi si kedis ah u la kulmay, ayaa waxa uu goobtay indhihiisa ku arkay dadweyne tira badan oo ku xoomay ninkani Neefka Adhiga ah Gaajadu u gesay in uu Nolosha ku googoosto neefkaasi, waxaana ag yaalay Ninkaasi Xanuunsanaaya ee Godka Saaqiyadda Biyo Mareenka ah ku nooli uu halkaasi dhigtay Neefkii yara oo ahaa Waxar Yar oo Ri’ah balse sida bahalka oo kale ina uu Dhexda ka dalooliyey Biryar oo aan waxba jareynin uu ku googooynaayey kuna riday qeybo ka mid ah Neefkaasi Digsi yar si uu u kariyo isaga oo Kudaafaddii halkaasi taalayna sido kale doonaayey in uu gubo si uu ugu karsado neefkaasi  bakhtiga uu ku googoostay. 

Sida ninkaasi korkiisa laga dheehan karaayey oo dadiisu ilaa 50 Jir u muuqday, waxa ka muuqatay dhibaato   nololeed xumo iyo xaalad caafimaad daro oo degenaasho la’aaneed iyada oo gaajaduna aheyd mida ugaba sii darneyd intaas ninkaasi dhinaca Dhimbirka Maskaxda ka Xanuunsanaayey ee dhacdadan ugubka ah ku kacay, waxana uu korka sare ee Madaxiisa iyo meelo badan oo jidhkiisa kale ka mid ah sida dhexdiisa oo kale ku giijiyey oo ku xidh xidhay marooyin badan. 

 Hadaba waxay u muuqatay in ninkaasi uu doonaayey wax uu cuno oo Gaajo u geysay arintaasi Bahalnimadda ah, maadama oo sida dadkii halkaasi ku sugna ay wada arkaayeen uu ninku isaga oo Xubno iyo Hilib ka mid ah Neefkaasi uu Bakhtiistay uu ka goostay kalana baxay sida Xubnaha Beerka iyo xuno kale neekaasi ka mid ahaa, isaga oo Digsi yar oo meesha uu ku noola ee Saaqiyadda Biyo mareenka ah ku dultaay ku ritay hilibkaasi iyada oo sida kale uu googeynta Qeybaha dhexe ee neefkaasi u isticimaalayey wakhtigaasi shay u muuqday Bir Midi yar oo Afdaran oo aan aad waxba u geyneynin. 

Dhacdadani waxay ka marag kacaysa sida ay u dayacan yihiin Boqolaal ka mid ah Bulshadda Qeybta Dhimbirka Maskaxda wax ka qaba (Dadad Waalan) gaar ahaan kuwooda ku dhaqan Caasimadda Hargeysa iyada oo gidaarada daadsan oo qaarkood eheladoodii iyo dadkoodii ka soo baxsadeen oo meelo fogfog ku nool oo goboladda kale ee dalka iyo Miyiguba uu ka mid yahay, halka ay qaarkoodna magaaladda ku nool yihiin ehelkoodu oo aanay awoodin ama dansidaasi ahba ka gelin inay la tacaalaan oo la socdaan xaaladda dadka xuskooda ALLE ka qaaday, kuwaasi oo markay waxay cunaan waayaan garaabo urursada, taasina  xaaladooda caafimaad uga sii darto oo gaajo iyo cudur ah ka siiqaadaan, waxana loo baahan yahay inay xukuumada oo ay ka wakiil tahay wasaaradda Caafimaadka iyo waliba ganacsatada wax haysta iyo qeybaha kale ee bulshaddu ba isla eegaan oo u gargaaraan sidii wax loogu qabanlahaa dadkaasi walaalahooda ah ee tabaaleysan si aanay u dhicin inay xayawaanka iyo wax naftooga halis gelin kara dadkana dhibaato u keeni kara ugu kicin dadka waalan ee baahani.

Xigasho: SAXANSAXO

 

Comments are closed