|

Bulshada Gobolka Awdal Siday uga Fal Celiyeen Sii Sagootinta Cabdoo Ayar iyo u Raxlaynta Ramaax

Boorama 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Badhasaabkii is casilay ee gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa gobolka Awdal hogaankiisa hayay mudo ku siman, laba sano, waxana tan iyo maanta markii ay soo baxday hadalka is casilaadiisa ay dadwaynaha reer Boorama is waydiinayaan, waxa sababay ee ay salka ku hayso is casilaadaasi iyo waliba arimo kale oo ku qotoma waxyaabahii uu Mudane Cabdoo kaga tagay gobolka Awdal.

cabdoo axmedWiil dhalinyaro ah oo magaciisa ku sheegay Axmed Xuseen oo dareenkiisa Cabiraya ayaa yidhi “Waan la yaabanahay waxa uu isku casilay, waxa uu ahaa badhasaab gobolka laga jecel yahay, ma filayn in uu yidhaa waan is casilay, wax ceeb ah anigu uma hayo intii uu xilka hayay, waxana aan filayaa in arintu tahay xilku waa meerto”

Oday da’ dhexe ah oo gacanta ku haya faylal uu ku sheegay inay yihiin kuwo dacwadeed oo isaguna ka hadlay arintan ayaa yidhi “JAW! haba is casilee, waxa iiga daran sida aan maantana ugu lug-go’ay xafiiskiisa, mudo dheer ayaan ku laalaabanayay xafiiska oo aan is lahaa arintan dacwada ah ee aan wato bal u soo bandhig, dabadiisaba waan gaadhi waayay, wax yaabah iguma aha in uu is casilay, marka horaba wax shaqo ah ma haynin ninkaasi”

Haweenay Magaceeda ku sheegtay Xaliimo Kaahin Cadar ayaa iyaduna arintan ka hadashay oo tidhi “Ninkaasi bagga oo uu ina dhaafay, waxa uu kaga tahay gobolka bilaa sumcad, waayo waxa uu gobolku noqday mudadii uu joogay meel kala daadsan oo bilaa hogaan ah, sariimadaha ayaan dumar ahaan xantiisa ku haynay oo waxa uu ahaa nin xafiiskiisaba la moodo inuu Hargaysa ku yaalo, maantana waxaan u malaynaynaa in uu waa’ cusub u baryay gobolka Awdal”

Gabadh kale oo magaceeda ka gaabsatay ayaa iyaduna tidhi “Ninkaasi waxa aan ka shikiyay maalintii la yidhi waxa uu gurtay alaabtii guriga u taalay, waanan filayay inuu Awdal ku sagootiyo sidan, bal waa la casilay waa la gartaaye, muxuu tabtay oo uu isku casilay, waxa uu ahaa marka horaba nin ku fadhiyay dhab libaax, waanan u ducaynaynaa meesha uu tagayba, waxaanse hubaa in aanu xadhig soohan kala furayn ninkaasi”

Geesta kale waxa ay reer Awdal maanta ka hadleen sida ay u arkaan badhasaabka loo soo magacaabay gobolka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan(RUMAAX) waxana ay dadku u badnaayeen kuwo aanan aqoon u lahayn, balse si wayn u soo dhaweeyay, kuna tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in uu gobolka Awdal yimaado, iyada oo aanay meesha ka maqnayn in ay saadaaliyeen uguna duceeyeen in uu Eebe ka dhigo mid gobolka wax badan ka badala.

Guuleed Maxamuud Siciid ayaa yidhi” Kolay waxa igu maqaalo ah inuu gobolo badan soo maamulay, waxa aanan ka dhalinyaro ahaan ku soo dhawaynayaa dareen farxadeed, waxa aan u rajaynaynaa khayr badan, waxana aan filaynaa in uu ka midho dhalin doono hormarka gobolka ka socda”

Sidoo Kale Maxamed Cabdinaasir Samatar oo isaguna ka dareen celiyay badhasaabkan cusub ayaa yidhi “Inkasta oo uu gobolku maanta iska dhooqaysan yahay, hadana waxaan filayaa in uu noqdo ninka cusub ee loo soo badalay nin kabo buudh ah oo dhooqadada ka celiya xidhan, hadii uu sidaas yeeli waayo waa ay la siibanaysaa, waase hubaal in aan dhalinyaro ahaan si wayn u soo dhawaynayno in gobolka ay ka dhacdo isku shaandhayni, Rumaaxna, waxa aan filayaa in uu noqon doono nin aanan lagu hungoobin.

ramaaxHaweenay kale oo magaceeda ku soo koobtay Raxma ayaa ayaa iyaduna tidhi “Soo dhawoow ayaan leenahay ka haween ahaan, waxa noo muhiim ah in uu noqdo nin hormarinta jecel, oo gobolka wadooyinkiia sidii kuwa Ceerigaabo oo kale wax ka qabta, waanse arki doonaa wax walba oo uu soo kordhiyo waanan u du ducaynaynaa”

 

Comments are closed