Shaqaaleweynaha Hay’adda Korontada Hargeysa Oo Ka Mudaharaaday Xuquuq Laga Duudsiyey, Eedana u Jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud
Hargeysa:Feb,09,2015(SDN/QJ)-Shaqaaleweynaha Hay’adaha Korontada Hargeysa, ayaa Mudaharaad Ballaadhan iskugu soo baxay Badhtamaha Hargeysa, kuwaas oo ka cabanayey duudsi Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyntu u geystay, kaas oo ku saabsanaa Xaqoodii oo maqan.
Shaqaalaha, ayaa waxa ay ka cabanayaan inaan xukuumaddu meel ku tiirinin Lacago mushaharooyin ahaa iyo waliba xuquuqdii ay halkaas ku lahaayeen, waxana ay arrintaas ku eedeeyeen Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isagu Wareejinta Warshadda Qayb libaax ka qaatay.
Shaqaalahaas oo xilliyo kala duwan kusoo dhex jirey Shaqada Warshadda Laydhka, ayaa ka siman inay helaan Xuquuqda kamaqan, waxana ay carrabka ku adkeeyeen in mushaharooyin muddo dheer ka maqnaa ilaa iyo haatan meel lagu tiiriyey aanay jirin,
“Meshii waa la iibiyey niman gaar ah baana laga iibiyey, waxana aanu doonaynaa in xaqayagii nala siiyo, xaqayagiina waxa la yidhi Hawlaha Guud ayaad ku leedihiin, aniguna 18-bilood ayaan mushaharkoodii ku leeyahay, ilaa iyo imikana meel aan u raaco ma hayo.” Ayuu yidhi Jaamac muuse oo shaqaalaha Warshadda kamid ahi.
Warshadda Korontada Magaalada Hargeysa, ayaa waxa dhawaan la wareegay Ganacsato gaar ah, kuwaas oo isbeddel ballaadhan oo xagga shaqaalaha ah iyo mid xagga maamulka ahba ku sameeyey, isla-markaana dibadda dhigay Tiro badan oo kamid ahayd shaqaalihii hore.
Xukuumadda ayaa iyagu ugu dambayntii Go’aansatay inay wareejiso Warshadda Laydhka Hargeysa, kadib markii ay tahli kariweyday inay sii waddo shaqadii ay shacabka u haysay, waxana wareejinteedu keentay culays ku yimaadda dadkii danyarta ahaa ee isticmaali jirey oo haatan lacago badan lagu soo rogay.
SDN/QJ