|

Hoggaanka Cusub Ee Solja Oo Qoraal Habsaamay Kasoo Saaray Xadhig Xukuumaddu Kula Kacday Wariyayaal, Afkiisana Isku Ammaanay Muddadii Koobnayd ee Uu Xilka Kayey

Hargeysa:Feb,09,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Cusub ee Ururuka Saxafiyiinta SOLJA, ayaa qoraal xilli dambe ah kasoo saaray Xadhig xukuumaddu kula kacday Wariyayaal xaatan Xabsiga ku jira, kuwaas oo ay sheegeen inay soo dayn doonaan.

SOLJA LOGOHoggaanka, ayaa afkiisa ka dhawray inay wax cambaarayn ah dusha ka saaraan Xadhigga Wariyayaasha ee Xukuumaddu caadaysatay, waxana ay taas Beddelkeeda qoraalkooda ku sheegeen inay soo celinta Xorriyadda saxafiyiinta xidhan ka shaqayn doonan.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Ururkaa Maxamuud Cabdi Jaamac(xuuto), ayaa sheegay inuu ku hawllan yahay sidii uu usoo dayn lahaa Saxafi ka tirsanaa Tv-ga Somalia Channel oo haatan ku jira Xabsiga Magaalada Berbera iyo wariye kale oo isaguna isla Berbera ku xidhan.

Waxa uu sidoo kale Mudane Xuuto afkiisa ku ammaanay waxqabad uu sheegay inuu ku tallaabsaday muddadii uu xilkaas hayey oo bil aan ka Badnayn, waxana uu sheegay inuu qaaday Tallaabooyin xagga hore ah.

Qoraalka ayaa sidan u dhignaa:

“Hogaanka cusub ee SOLJA oo xilka la wareegay 7/1/2015, waxa u qabsoomay hawlo muhiim u ah Ururka iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu qaaday dhawr  talaabo oo xaqiijiyey Himilada Ururka oo ah u doodista iyo Horumarinta Saxaafadda Dalka. Mudadii uu Hogaanka cusub xilka hayey oo ay ka soo wareegtay muddo bil ah waxa Ururka u suurtogashay in uu xorriyadoodii u soo celiyo laba wariye oo la kala yidhaa Axmed Ciil-tire Rayo TV iyo Cali Xajar Somali Chanel oo lagu kala xidhay Borama iyo Saylac. Sidoo kale, waxa uu Ururku ku hawlan yahay sii daynta labada wariye ee Maxamed C/laahi soo fadhiiste oo ka hawl-gala Telefishanka Somali chanel iyo Mareegta Berberatoday oo ay maanta Maxkamadda Gobolka Saaxil toddoba cisho oo Rumaan ah u dirtay iyo Yuusuf Maxamed Xasan oo ah Tafatiraha Wargeyska Horn Tribune, kaasoo in ka badan muddo bil ah ku xidhan Dalka Itoobiya sida ay SOLJA warbixin ku heshay. SOLJA waxay kala xidhiidhay labadan kiis Hay’adaha ay khusayso, waxaanay ku rajo weyn tahay in Xorriyadooda dib loogu soo celiyo, iyadoo mudadii ay xidhnaayeen dedaal dheeraad ah u muujisay sidii Eedaha loo haysto loo sugi lahaa, isla markaana loo soo af-jari lahaa xadhigooda.

Hogaanka cusub ee SOLJA waxa mudada bisha ah ee ay xilka hayeen ay la kulmeen Shirkaddo Wadani ah oo ugu balanqaaday inay gacan ka geystaan sidii loo horumarin lahaa Xarunta Guud ee Ururka, isla markaana ay Suxufiyiintu u heli lahaayeen tababaro kala duwan.

Sidoo kale, Hogaanka SOLJA waxa xarunta ku soo booqday Hay’addo Caalami ah oo taageera saxaafadda, kuwaas oo kala ah:- xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay (UNRCO), Free Press, Internews, World Bank, Safiirka Talyaaniga Somaliya, halka ay Hay’addaha Fojo Media International iyo International Media Support (IMS)ay xidhiidho  kala soo sameeyeen Ururka, wakiiloo Hordhac u ahaana Xog isweydaarsadeen.

SOLJA waxay xidhiidh fiican la samaysay kooxda Somali Media Support Group, taasoo ay ku bahoobeen haya’adaha, Safaaradaha iyo Dawladaha  bixiya mashaariicda lagu horumariyo Saxaafadda, waxaana SOLJA xidhiidhkan ka caawiyey Gavin Roy oo ah sarkaalka xafiiska xidhiidhiyaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.

Hogaanka cusub waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay xoojiso wadashaqaynta Saxaafadda Dalka, isla markaana masuuliyad iska saarto wax kasta oo caqabad ku noqon kara Suxufiyiinta Somaliland. Sidoo kale, waxa uu Hogaanka Ururka SOLJA wariyayaasha iyo Hay’adaha warbaahineed ee Dalka ugu baaqayaa inay sugaan wararka isla markaana ku dhaqmaan ilaalinta Anshaxa saxaafadda iyo Shuruucda Dalka u taal, isla markaana ay wax kasta ka horumariyaan Qaranimada Somaliland. Ururka SOLJA waxa uu soo dhaweynayaa cid kasta oo kaalin ka qaadan karta Horumarka saxaafadda Somaliland, maadaama Saxaafadda Somaliland dhismaha Dalka ka soo qaadatay kaalin wax ku Ool ah, ilaa hadana ay wado dedaalkaas, iyadoo dhinac kasta looga baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo sawir xun ka bixin kara Dalka”.

 

Maxamuuud Cabdi Jaamac (Xuuto)

Guddoomiyaha Ururka SOLJA

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed