Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo Iftiimiyay Doorkii Hogaamineed ee Marxuun Dhugad
Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi isagoo ku ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida Xildhibaan Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo galabta (08/02/2015) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed (Dhugad) wuxuu rukun wayn oo ka baxay Somaliland, waxa uu door muhiim ah ka soo qaaday halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waxa kaloo uu ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo uu xubin firfircoon ka ahaa shaqada golahaasi ee odayeynta iyo nabadda dalka.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteed shacabka reer Somaliland-na uu Ilaahay samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)