War Deg Deg ah: Xildhibaan Dhugad oo Goor dhawayd Hargaysa ku Geeriyooday
Hargeysa, 08 Feb 2015 (SDN/QJ)-Alle haw naxariiste Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo kamid aha Xildhibaanada ugu muuqa dheer Golaha Guurtida ayaa goor dhaweyd ku geeriyooday Gurigiisa oo ku yaala Magaalada Hargaysa.
Xildhibaan Dhugad, waxaa si weyn loogu xasuusta Kaamkiisi uu ku laha Safeeriya, xiligii halganka, kaas oo lagu magacaabi jiray (Kaam Dhugad) wuxuu siweyn u taakulayn jiray wakhtigaas halganki SNM. Wuxuuna ka soo qayb qaatay wax tar badan oo halgankaas ah, iyadoo hawlgalkii Mandheera, ay Ciidamadii Maxamed Siyaad Barre ku qabteen Gaadhigiisi oo uu markaas Ciidankii Muj: Lixle soo siiyay si ay hawl galka ugu fuliyeen, Wakhtigii dagaalada Sokeeye, ee laga baxay Magaalada Hargaysa wuxuu kamid ah wax garadkii aan ka qayb qaadan ee ku hadhay Magaalada Hargaysa, kana qayb qaatay nabadeyntii beelaha Walaalaha ah.
Geesta kale Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) wuxuu siweyn ula soo halgamay Xisbiga KULMIYE, wakhtigii uu Mucaaridka aha, isagoo aha Xildhibaanki kaligii horjoogsaday fadhi ay Xildhibaanada Golahaasi damacsanayeen inay xilka kaga qadaan Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.
Alle haw naxariiste Xildhibaan Dhugad wuxuu aha shakhsi culus, geesi ah, ku dhac badan leh. Dhammaan bah’da Qurbejoog.com waxay marxuumka alle uga baryaysaa inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, dhammaan eheladii uu ka baxay iyo ummadda Somaliland-na Samir iyo imaan ka siiyo.