|

Maamul Goboleedka Puntland oo Somaliland ku eedeeyay inay Gacan Siiiyaan Argagixisada iyo Muuqaalo ay Soo Bandhigeen

Garowe 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Weerarkii habeenkii xalay ahaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ayaa waxa ka warbixiyay ragii weerarkaasi fuliyay oo ay qaar ka mid ah qabteen.

Maamulka Puntland ayaa waxa ay weerarkaasi ku eedeeyeen Somaliland,taliye Xigeenka Ciidamada Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inay ragani gacan ka helayeen Somaliland iyo dad ku sugan gudaha puntland,waxaanu sheegay in ay dhamaantood cadaw ku yihiin nabada maamulka puntland.

Taliyaha Ciidanka Puntland, ka gobolka Bari iyo maamulka Degmada Bosaaso oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigey maxaabiista waxa ay sheegeen in kooxdan weerarka soo qaaday caawimo ka heleen Somaliland hayaana cadaymo la hubo iyo hub ay siteen.

taliyaha-puntlandtaliyetaliye2taliye4taliye5

Comments are closed