|

Ballaqaadyo Qarsoon Oo Loo Sameeyey Cabdoo Aayar Iyo Iscasilaadiisa Oo Madaxtooyadu Kasoo Shaqaysay

Hargeysa:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Ka Somow Saaxiibtinimada Dhaw ee Madaxweyne Siilaanyo la leeyahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir, waxa soo baxaya Xogo hoose oo iftiiminaya sababa keenay in wareegtada kasoo baxday Aqalka Madaxtooyada lagu sheego inuu Guddoomiyahaasi iska casilay xilkiisii, taas oo ahayd wax aanay cidina hore u maqlin.

acbDabagal hoose oo  ay qurbejoog.com ku samaysay sababaha keenay in iscasilaad aan jirin hawada loo mariyo Guddoomiye Aayir ayaanu ku ogaanay in iscasilaaddaasi ahayd mid ay madaxtooyadu kasoo shaqaysay, isla-markaana Lagu qaniyey Guddoomiyaha inuu xilkaas iskacasilo, taas beddelkeedana la siinayo  naan-nuujin hoose oo aan haatan ahayn.

Sida ay xoguhu sheegayaan Cabdoo Aayar ayaa Madaxtooyada ku wargeliyey inuu shaqooyin badan kasoo qabtay Guddoomiyenimada Gobolada dalka, sidaas darteedna uu u baahan yahay inuu ka nasto shaqadaas, isagoo codsaday inuu u baahann yahay horumar kale oo dhinaca siyaasadda ah.

Madaxtooyada ayaa soo dhaweysay Codsiga Guddoomiye Aayir, waxana si hoose loogu ballanqaaday in lagu soo dari doono isku shaandhayn Toddobaadyada soo socota lagu samayn doono Golaha Wasiirrada iyo Hay’adaha kale ee Madaxa Bannaan, taas oo keenay inuu si hoose isku casilo.

Sababa ugu waaweyn ee Guddoomiyahan looga Fadhiisiyey Shaqadii uu ku hayey Gobolka Awdal, ayaa sheegaya inuu ku fashilmay Dejinta Xaaladda Kacsanaaneed ee Gobolkaas ka taagan, waxana jira Colaad ay hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Awdal u qaadeen Guddoomiye Aayir oo loo arko nin aan xariif ku ahayn cabashooyinka Gobolada ee Xagga dhaqanka ku saabsan, isagoo sidan oo kale ugu soo fashilmay xillligii uu Guddoomiyaha ka ahaa Gobolka Togdheer.

Si rasmi ah looma oga wali Booska rasmiga ah ee Guddoomiye Aayir ka noqon doono Isku shaandhaynta soo socot, waxase wararku sheegayaan inuu qaban Doono Jagooyinka Hay’adaha madaxa Bannaann oo qudhooda isku shaandhayntu saamayn doonto.

Cabdoo Axmed Aayir oo ah Qurbejoog, ayaa waxa ay isku beel kasoo jeedaan Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu kamid yahay Shakhsiyaadka sida dhaw ugu xidhan Madaxtooyada ee Dalabyadooda lasoo dhaweeyo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed