|

Weerar Dhimasho Keenay Oo Xalay Lagu Qaaday Aqalka Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Ku Lahaa Magaalada Boosaaso

Bosaso:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Kooxo aan wali la aqoonsan, ayaa goor dambe oo xalay ahayd weerar ku qaaday Hoy uu degenaa Sarkaal Boolis ah oo ku yaalla Magaalada Bosaso, waxana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan.

WEENIlaa iyo haatan dhimashada ayaa lagu sheegay Hal Askari oo ciidanka  booliska ka tirsanaa, waxana sidoo kale dhaawacmay Hal askari oo kale, iyadoo Goobta la weeraray la sheegayo inuu degenaa Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse.

Weerarka ayaa ka dhacay hoyga uu Boosaaso ka degan yahay Taliye ku xigeenku, Muxiyadiin Axmed Muuse, waxana la sheegayaa inuu badqabo oo aanay dhibaato soo gaadhin.

Magaaladda Boosaaso beryahaan dame waxaa kusoo kordhayay fad-qalooyin ay gaysanayaan Maleeshiyaad hubays, Ma aha markii koowaad oo weerar waqti habeen ah laga gaysto Boosaaso.

Todobaadkii hore waxaa goor fiidkii ay weerar Fool ka fool ah lagu qaaday Saldhiga dhexe ee Magaaladda Boosaaso.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed