|

Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Qarsan kariweyday Jacaylka Ay U Qabto Qasriga Madaxtooyada, Rajana Ka Muujisay Soo Noqoshadeeda

Hargeysa:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Marwada Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, ayaa muujisay Jacaylka ay u qabto inay markale kusoo laabato aqallka Madaxtooyada ee dalka laga hoggaamiyo, waxana ay sheegtay inay qabto rajo ah in markale lasoo doorto Dawladdan Haatan xilka haysa oo ay saamayn badan ku leedahay.

in sheekhMarwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo caan ku ah Ololeyaasha, ayaa sheegtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay muujisay Waxqabad sababi kara in markale lasoo celiyo oo shacabku dib ugu soo dooran karaan, taas oo dadka intiisa badani ka garaabin.

Marwo Aamina waris oo xilliyadii ay Mucaaridka ahayd lagu yaqaanay beerlaxawsi ka taf dheer midkii madaweyne Siilaanyo, ayaa sidoo kale sheegtay inay Mucaaridku caan ku yihiin aflegaaddo iyo qarinta waxqabadka xukuumadda uu seygeedu caynaanka u hayo,

“Dimuqraadiyad baynu qaaday, doorashooyinka soo socda wax-qabadkayaga ayaanu dadkayaga odhanaynaa nagu doorta, markaa mucaaridka waxaan leeyahay haddii aanu helno noo haneeya, haddii aad idinku heshaanna waanu idiin hanaynaynaa, dalkana waynu wada leenahay, markaa aflagaadada, xaasidnimada iyo hadalka xun aynu iska dayno oo waxa wanaagsan sheego,”ayay tidhi Marwo Aamina Waris.marwo-aamina-waris.

Marwada Oo Hadalkan ka jeedisay Madal lagu lafogurayey Horumar la sheegay inay muujiyeen Xubnaha Haweenka ah eek u jira Ururka NOW,ayaa ku nuuxnuuxsatay waxqabad ay haweenkaasi muujiyeen oo muuqda, waxana ay tidhi,

“Guul iyo sharaf bay u tahay maamulka ay madaxda ka yihiin Aniisa iyo Sitiin iyo Ubax, iyo intii la shaqeenaysay, sharaf iyo guul bay u tahay in halkan ammaan looga soo jeediyo. Wax-qabadka runta siday tahay haddii uu yar yahay iyo haddii uu badan yahayba isaga ayaa is-muujiya, qof xaasida iyo qof ka aamusaba iyo qof yidhaahda wax lama qabanba, haddii ay ta dawladda tahay iyo haddii ay ay tahay tan ay Ururka NOW qabteen-ba, waa wax muuqda, waa wax cad oo la taaban karo oo cidna indhaha ka qarsan Karin.”

Dhawaan ayey Marwada Madaxweyne Siilaanyo hadallo sidan oo kale  ay ugu iftiiminayso Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka jeedisay Madal lagu furayey waddooyin laga hirgeliyey Deegaanka Wajaale, waxana inbadan halkaas laga hadal hayey Olole aan afka Madaxeyne Siilaanyo laga Haynin oo ay Marwada Fagaarayaasha lasoo istaagtay.

Marwada, ayaa sidoo kale lagu sheegaa mid saamayn iyo gagan muuqata ku dhex xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana awoodeedda  laga dhex dareemaa Go’aanada kasoo baxa Madaxtooyada.

Taariikdha intii Madaxweyne ee Soo Marta Somaliland marwooyinkooda laguma Xaman jirin farogelinta hannaanka Dawladda, balse Haatan waxa jira Tuhuno hoose ee sheegaya in Marwadu Gacantogaalayso Awaamiirta Madaxtooyada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed