|

Al-shabaab Oo Laba Haween ah Ku Toogatay Gudaha Magaalada Jilib

Jilib:Feb,08,2015(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab, ayaa maalintii shalay Goob Fagaare ah ku toogtay Laba Haween ah Gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Sirdoon Ciidanka Somalia u shaqaynayey.

toogcFagaaraha Al-Shabaab xukunka dilka ah ku fulinayeen waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u badan kuwaa oo daawanayay sida uu u dhacay Xukunka dilka ah ay  Xarakada Al-Shabaab ku fuliyeen labadan Haween.

Aasiyo Cumar Hilowle oo 25 sano jir ah ayaa Xarakada Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay katirsaneyd Ciidanka Sirdoonka Dowlada Soomaaliya, waxa ayna tilmaameen in ay kasoo qabteen Deegaanka Beerxaano.

Gabadha kale ay Al-Shabaab toogeen ayaa iyana magaceeda lagu sheegay Bishaaro kuule Xasan, waxa ay Al-Shababa gabadhan iyana ku eedeeyeen in ay aheyd askariyad katirsan Ciidanka Sirdoonka Dowlada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa labadan haween waxa ay sheegeen in howshooda ugu weyneyd ay aheyd in ay xogo ka gudbiyaan koontaroolada ay Gacanta ku hayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo lacaga kasoo gala koontarooladaasi.

Deegaanada ay Al-Shabaab ka taliyaan waxaa marar kala duwan lagu toogtay rag iyo haween Soomaaliyeed, kuwaa oo ay Al-Shababa ku eedeeyeen in ay katirsan yihiin Sirdoonka Dowlada Soomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed