|

Shirkada Google Oo Sheegay In Dhawaan Adeega Internet-ka Dunidu Meesha Ka Bixi Doono

London 08.Feb 2015 (SDN/QJ)- Maamulaha guud ee shirkada baadhitaanka ugu balaadhan internet-ka ee Google, Eric Schmidt, ayaa shaaca ka qaaday, xogo uu kaga hadlayo internet-ka, oo uu sheegay in si deg deg ah uu dhawaan adeegiisu hawada uga bixi doono, dib aan loo arki doonin.

Maareeyaha Shirkada Google oo hadalkan ka jeediyay shirwaynaha dhaqaalaha iyo tignoolajiyada dunida ee lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland, waxa uu ka waramay, sida dhibaato wayni uga taagan tahay, tartanka shirkadaha farsameeya qalabka tignoolajiga ah ee dunida iyo is waafajinta adeegan, taas oo sabab u noqon karta in gabi ahaanba adeegaasi hawada deg deg uga bixi karo dhawaan. Eric Schmidt, oo sharaxaad ka bixinaya sida ay taasi suura gal u noqon karto, ayaa tusaale u soo qaatay qof ku nool, qof dhinac kasta u dhaqaaqaya ama u socda, kaas oo sidii shay biyo dul sabaynaya oo meel laga maamulo aan lahayn la mid ah, sida ay u fududahay in meel aanad ku talo galin uu kuula dhaqaaqi karo.

Xaaladan cabsida leh ee uu badka soo dhigay maamulaha Google, ayaa shirka ka abuurtay dood xoog leh, waxaana soo jeedintiisu noqotay mid si wayn u soo jiidatay falan qaymihii shirka, waxaana dooda ugu wayni noqotay ama gabi ahaanba isu badashay mid lagu qaada dhigay, sidii la isku waafajin lahaa, horumarka casriga ah ee tignoolajiyada dunidu ku talaabsanayso iyo sidii internet-ka dunida adeegiisu isula jaan qaadi lahaayeen.

Sida wararku sheegeen waxa doodahaasi ay fursad siiyeen shirkadaha waaweyn ee dunida, sida Google, Microsoft, Facebook Iyo Vodafone, taas oo dhinaca shirkadaha kale ee tartanku ka dhexeeyo iyo kuwa ka awooda yar dhaqaale ahaan ay iyaguna ka qayliyeen, kuna tilmaameen marin habaabin lagu sameeyay hab sami u socodkii shirka.

Comments are closed