“Xukuumada Waxaanu Leenahay Maalinta, Xilku Ka Dhamaado Ma Aqoonsanin” Murashax Jamaal Cali Xuseen
Hargaysa 08.Feb 2015 (SDN/QJ)-Musharaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa fariin adag u diray xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Musharaxan xisbiga UCID waxa uu sheegay in aanay ogalaan doonin maalin loogu daro xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, hadii xilku ka dhamaadana la dhisi doono dawlad wadaag ah oo aanay aqoonsan doonin madaxweyne Siilaanyo.
Musharax Jamaal Cali Xuseen Waxa uu sidan ku sheegay wargeysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Waaheen, waxaana isaga oo arimana ka hadlaayay uu yidhi “Waxaanu xukuumadda uga digaynaa inay faro galiso arimaha doorashooyinka ee komishanku wado, hadaladan doc ka yeedhka ah ee ka imnaaya wasiirada xukuumadda iyo dadkan bulshada ka midka ah ee doonaya inay majaro habaabiyaan dorashooyinkan qaranku leeyahay, madaxweynuu waakii yidhi maalin laygu dari maayo tii ayanau ayid sanahay maalina ugu dari mayno, madaxweynuu ha ogaado inuu yahay shalay ninkii ugu buuqa badnaa ee ugu mudaharaadka badnaa ee yidhi dalka xukuumad,baalamaan iyo maxkamadtoona kama jirto, anagu sidiisii ma odhanayno waxba ma jiraan laakiin inuu maalinta xilku ka dhamaado aanan u aqoon sanayn madaxweyne.”.
Musharax Jamaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Halkii uu Daahir Riyaale uu dhigay ayuunbaanu dhigaynaa midna ka dhimi mayno midna ugu dari mayano, heshiiskii labada xisbi qaran iyo madasha wada tashiga ee ahaa in dawlad wadaag ah la samaynaayo hadii maalinteed ay dhaafayso ayuunbaanu taaganahay, ma carqaladaynayno kimishanka waanuna ku amaanaynaa inay gutaan shaqadooda, laakiin xukuumadda waxaanu leenahay maalinta xilku ka dhamaado ma aqoonsanin, qofku haduu xilka ku fashilmo abaal gud lama siiyo, kordhintuna waa abaal gud uma qalmaan abaal gud dalkuna meel khatar ah ayuu marayaa, hadii kuwan loo kordhiyo inuu dalku burburo ayaanu ka baqaynaa oo ma ogolin in maalin loo kordhiyo, beesha caalamka iyo shabigii Somalilandba anaga ayay maanta nala socdaan.”