|

Waayihii Xassan Great iyo wax-tarkiisii Faneed (Taariikh Nololeed) Q1aad

Dhismaha idiin muuqda waa qaybtii ay dowladdii Kacaanka ahayd ugu tala-gashay inay Fanaaniintu ka degaan Guryihii loo yaqiin If iyo Aakhiro oo horaantii Sideetameeyadii laga dhisay degmadii Wardhiigley ee Muqdisho.

Inta uu hadda xusuusanyahay waxaa isaga la daris ahaa oo qaybtan deganaa 20 Fanaaniin ah oo maanta isaga mooyee ay inta kale dagaalada iyo dhibaatooyinkii dalka soo maray dartood banaanada ugu maqanyihiin. Magacyada uu dariskiisii Fanaaniinta ahaa ka xusuustayna waxaa ku jirta Guduuda Carwo oo guriga isaga ku dhegan lahayd, Maandeeq, Baxsan, Khadiija Foodeey iyo qaar kale.

Isagoo xanuunsanaya ayaa kaligiis maanta kaga hoyda guryihii ay dowladda Soomaaliyeed ugu deeqday Fanaaniinta, isaga qudhiisana kusii sugnaashihiisa halkan wuxuu ugusoo bareeray oo ugu dul-qaatay halis badan oo colaadihii jiray ay dhaleen.

Hordhaca taariikh nololeedkiisa

Sida caadada u ahayd reer miyiga Soomaalida ee waayihiisii noolaa, waxaa cunugga caloosha hooyadiis ku daaha ee bilaha lagu umullo dhaafa lagu tilmaami jiray mid caqli badan oo ku garaadsaday calosoha, saas darteed ayuu isaguna maadaama uu 11 bilood ku dhashay wuxuu awoowgiis ku naaneysay Garaad.

Mar dambe oo hayaankii fan jacaylka ee miyiga kasoo kaxeeyay uu soo gaarsiiyay Xamar ayeey dadkii ay is barteen ee Reer Xamar-ta oo magacii Garaad haleeli waayay ula bexeen Great, kaasoo noqday naaneysta illaa maanta lagu yaqaan ee uu caanka ku yahay.

Inkastoo uu miyi ku dhashay oo aanay suurtoobin in taariikhda dhalashadiisa la qoro, hadana sida uu waalidkiis ka maqlay wuxuu ifkan yimid goor ku beegan 1952-kii. Wuxuu ku dhashay Tuulo ay reerkiisu markaas deganaayeen oo lagu magacaabo Gun-dhurwaa, una dhaw degmada Ceel-Buur ee gobalka Galgaduud.

Reer Xoola dhaqato ah ayuu ka dhashay, wuxuuna ahaa Yaraanka ama guri-dambeyska reerkiisa oo waxaa ka waynaa 3 caruura oo labo ay gabdho yihiin.

Isagoo gaban yar ah ayuu reerkoodu kasoo guuray miyigii isaga lagu dhalay ka dib markii ay abaar iyo nolol xumo xoolihii ka leysay, waxayna soo sal-dhigteen gobalka Shabeelada Dhexe oo ay Beero iyo xoolo hor leh ku tabcadeen. Laakiin sanado yar ka dib isagoo wali aad u da’ yar ayuu iska dareemay xiiso iyo jacayl uu u qabo fanka , gaar ahaanna Heesaha oo uu markoodii ugu horeysay ka maqlay Makarafoonnada tuulada lasoo dhigo ee Raadiyaha Muqdisho laga deyn jiray.

Rabitaankaas uu fanka u qaaday ayaa ku kalifay inuu usoo dhuunto dhanka Xamar oo saldhig wayn u ahayd heesaha iyo suugaanta kaleba, laakiin maadaama uu wiil yar ahaa waxaa kasoo daba baxay oo hadana tuuladii dib ugu celiyay Aabihiis, waloow uu mar kale hadana soo baxsaday si uu markan toos ugu sal-dhigto caasimadda uguna halgamo hanashada hamiggiisii fan jacaylka.

Mar ku siman 1967-kii ayuu guushii ugu muhiimsanayd ka gaaray fanka, xilligaas oo uu kusoo baxay tijaabo looga qaaday Raadiyihii Muqdisho si loo hubiyo hibadiisa faneed. Tumista Kabanka iyo qaraamkii heellooyinka ay ku jireen Beer-Dilaacshe iyo Laac ayaa udub dhexaad u ahaa guushiisaas uu ugusoo biiray kooxdii Raadiyaha Muqdisho ee markaas jirtay………Waa hordhaca Taariikh nololeedka Mid ka mida Cod sameeyayaasha heesaha Soomaalida (Mulaxan) kuwooda ugu caansan uguna cod sameynta badan, waa Xassan Sabriye Afrax Kulmiye (Xassan Great) oo aan gurigiisa Muqdisho ugu tagay si aan uga gunto sooyaalkiisii Faneed. Sheekooyin dhaadheer ayaa na dhex maray qaar kalena waa inoo harsanyihiin Insha allaah.

 

Maxamed Cabdullahi Abukar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Email: Mohammed_dhaley@hotmail.com

Facebook:https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

Comments are closed