“Welwel weyn ayay nagu haysaa Xawaaladaha ay lacaguhu maraan oo la joojiyo” Nicholas Kay
Nairobi, 07 Feb, 2015 (SDN/QJ)- Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Nicholas Kay, ayaa ka digay in bankiga Merchants Bank of California ee Mareykanka uu xidhiidhka u jaro xawaaladaha Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay lacagaha sii mariyaan, isaga oo sheegay in tallaabadani saamayn ku yeelan doonto nolol-maalmeedka Qoysas badan oo ehelladoodu biilasha uga soo diraan dalka Maraykanka.
Merchants Bank of California oo ah bangiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida wada-shaqaynta la leh isla markaana 80% ay xawaaladuhu lacagaha sii mariyaan, ayaa sheegay in baqdin uu qabo in lacagaha xawaaladaha sii mara ay gacanta u galaan kooxo argagaxiso ah, isaga oo taas ka duulayana uu go’aansaday inuu joojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya xawaaladaha Soomaalida.
Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in dhaqaalaha ay dibadaha kasoo diraan Qubo-joogta Soomaaliyeed ay tahay midda keliya ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in haddii la joojiyo xawaaladaha ay noqonayso musiibo lasoo darista Soomaalida gudaha ku nool.
“Lacagaha daafaha dibadda uga yimaada dad badan oo Soomaaliyeed waxay u tahay naf-badbaadin., walwal weyn ayayna nagu haysaa xawaaladaha ay lacaguhu maraan oo la joojiyo,” ayuu yidhi danjire Kay.
“Waxaa jira dhaqan xun oo ay ku sheegaan hay’adaha la socda lacagaha laga dirayo dibadaha inay gacanta u galayaan kooxo argagaxiso ah iyo IWM. Balse Somalia haatan kama jiraan bangiyo lacagta lagu hagaajin karo, taas awgeed waxaan ka digayaa in la joojiyo dhaqaalaha Soomaalida dibadaha uga imaanaya,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Kay.
Dhanka kale, xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto gobolka Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa ugu baaqay bangiyada Mareykanka inay xal u helaan dhibaatada ku wajahan xidhiidhka xawaaladaha Soomaalida.
Go’aanka uu Bandhiga Merchants Bank of California ee joojinta wada-shaqaynta u dhaxaysa xawaaladaha Soomaalida, ayaa ku muddeysnaa 6-da bisha February oo ku beegnayd Jimcihii shalay.